Madasha Xisbiyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo kulmay

Kulanka oo Saxaafadda ay dibad-joog ka ahayd ayaa ka dhacay xarunta AMISOM ee Xalane, wuxuuna kusoo beegmayaa xili xasaasi ah oo dalka khilaaf ka jiro, islamarkaana lagu muransan yahay doorashadda.

Warar Keydmedia Online
Madasha Xisbiyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo kulmay

MUQDISHO, Soomaaliya - Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa Wakiiladda u fadhiya Muqdisho u xisaaray inay dhex-dhexaadiyaan dhinacyadda siyaasadda isku diidan ee Soomaaliya, kuwaasoo xal dhameystiran ka gaari waayay hanaanka doorashadda 2020-2021.

Madasha Xisbiyadda Qaran, oo lix xisbi siyaasadeed ay ku midoobeen ayaa kulan la yeelatay Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka, oo ku cadaadinaya Farmaajo inuu qabto shir 4aad oo la isagu keenayo dhamaan dhinacyada kala ah Xisbiyada, Bulshada rayidka, Dowladda iyo Maamullada.

Labada dhinac ayaa isku afgartay sidii ay uga wadashaqeyn lahaayeen dhex-dhexaadinta Puntland iyo Jubaland oo khilaaf kala dhaxeeya dowladda uu hogaamiyo Farmaajo, kadib markii Villa Soomaaliya jidka saxan ka leexisay Shirkii Dhusuamareeb.

Xasan Sheekh oo kamid ah Madaxda Madasha ayaa shalay kulan qarsoodi ah la qaatey Fahad Yaasiin, oo ah gacanta-midig ee Farmaajo, waxayna kawada hadleen arrimo ku saabsan magacaabista Ra'iisul Wasaaraha cusub, sida Keydmedia Online ogaatay.

Madasha ayaa soo dhawaysay heshiiskii doorashadda ee lagu gaarey Shirkii Dhusamareeb 3, ee lasoo gaba-gabeeyay Jimcihii lasoo dhaafay, kaasoo natiijadii kasoo baxday ay qaadaceen Jubaland iyo Puntland, oo hadda madaxdooda shir ku leh Garowe.

Soomaaliya ayaa ka dhici jjirtay afartii sano mar doorasho wado-ogol ah, laakiin hadda meesha ka baxay hanaankaas doorasho, maadaama Farmaajo uu sku sii dhejinaya kursiga, islamarkaana u muuqda inuusan rabin in xukunka si nabad ah ku wareejiyo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.