KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo illo ku sugan magaaladda Dhuusamareeb ayaa sheegaya in dhinacyada wali aan isku fahmin ajandooyinka Shirka.
DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Kulamo xasaasi ah, oo hordhac u ah Shirka Dhuusamareeb ayaa waxay tan iyo Axadii ka soconayaya Madaxtooyadda Galmudug, kuwaasoo u dhaxeeyay Madaxweyne Farmaajo, Ra'iisul Wasaare Kheyre oo ka socda DF iyo Maamul Goboleedyada.
Farmaajo soo bandhigay ajande ah in doorasho qof iyo cod ah la qabto, iyadoo la raacayo sharciga uu Baarlamaanka ansixiyay halka Madaxda Maamullada ayaa taasi diideen maadaama waqti loo haynin, waxayna sheegeen inay doonayaan doorasho dadban, oo dib looga dhigeynin sanadkan.
Waxay noqdeen labadaas qodob kuwa hortaagan inuu furmo Shirka, waxaana muuqata in ismari-waagga jira uu sababi karo inuu dhinac tanaasulo ama lagu kala tago Dhuusamareeb, waxayna arintaas ka dhalan karta inay dowladda Federaalka mudo kordhin sameysato, waana sida uu doonayo Farmaajo.
Kheyre ayaa wararku sheegayaan inuu qabo fekerka Maamul Goboleedyada, ee ku aadan in doorasho qof iyo cod ah aan dhici karin 4 bilood kadib, balse ay suurtagal tahay in la sameeyay doorasho lamid ah kuwii hore ee ku saleysan 4.5.
Beesha Caalamka cadaadis uga yimid ayuu Farmaajo Shirka uga qeybgalay, iyadoo horey Villa Soomaaliya u diidanayd inay ka talo-gelisay Maamul Goboleedyada iyo Mucaaradka go'aanka doorashadda iyo arrimaha kale oo khuseeya mustaqbalka Soomaaliya.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.