Maxaa ka socda Gedo?

Farmaajo ayaa ka abuuray Gedo kacdoon shacab oo ka dhan ah Axmed Madoobe, si gobolka oo isaga kasoo jeedo beel ahaan aan marna looga talin Kismaayo.

Warar Keydmedia Online
Maxaa ka socda Gedo?

GARBAHAAREY, Soomaaliya - Wuxuu noqday gobolka Gedo xudunta dagaalka Farmaajo iyo Axmed Madoobe, oo isku haya maamulka Gedo iyo tartan dhanka awoodda oo ka dhaxeeya  Beelaha ay kasoo jeedaan [Ogaadeen iyo Mareexaan].

Dibadbaxyo ayaa lagu qabtay Garbahaarey maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo lagu soo beegay xili Axmed Madoobe uu ka qeybgalo Shirka arrimaha doorashooyinka dalka isagoo Jubbaland ku matelaya.

Shacabka Gedo waxay cod-dheer ku sheegeen marna inaysan ogolaan doonin Axmed Madoobe inuu ka-taliyo masiirkooda iyo doorashadda Xildhibaanada gobolka ku matalaya Baarlamaanka 11-aad ee la dhisi doonaan sanadkan.

Gobolka waxaa laga soo dooranayaa 16 kursiga, kuwaasoo Axmed Madoobe iyo Farmaajo ay ku loolamayaan, iyadoo midba midka kale uu doonayo inuu kusoo saaro Xildhibaanno isaga taabacsan oo ku xulufo ah.

Marka laga soo tago dooda doorashadda Federaalka, waxay kaloo shacabka Gedo ay sheegeen in doorashadda Jubaland ay dhici doonto 22-ka August 2021 xiligaasoo ay ku egtahay labada sano ee KMG Axmed Madoobe.

"August 22 waa maalinta doorashadda Jubbaland, yeeli mayno hal maalin oo dheeraad ah," ayaa kamid ahaa hal-ku-dhigyadda ku qornaa boorarka dibadbaxayaasha Garbahaarey isagu soo baxay.

Farmaajo ayaa la sheegay inuu Ciidan badan u tababaray gobolka Gedo mudadii uu Madaxweynaha ahaa, isagoo sidoo kale meesha ka saarey maamulkii uu Axmed Madoobe soo magacaabey, wuxuuna ku bedelay mid cusub.

Ninkii Axmed Madoobe uga dagaalamayay Gedo, oo ahaa C/rashiid Janan wuxuu galay gacanta Farmaajo kadib markii la siiyay in ka badan 2.3 milyan oo dollar, isagoo hadda ku raaxeysanaya Muqdisho.

Soo goosashadda Janan waxay noqotay dharbaaxo xoog leh oo Farmaajo ku dhuftay awooddii Axmed Madoobe ee Gedo, iyadoo isa soo dhiibista ay soo afjaray dagaalladii gobolka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.