Maxay Colaadda Itoobiya uga dhigan tahay Soomaaliya?

Colaadda ka socota Itoobiya ayaa abuurtay dareen cabsi leh, iyadoo dalalka deriska la la ay wadnaha farta ku hayaan, iyagoo ka walaacsan natiijadda ka dhalan kara, hadii uu dagaalka sii daba-dheeraado.

Warar Keydmedia Online
Maxay Colaadda Itoobiya uga dhigan tahay Soomaaliya?

ADDIS ABABA, Itoobiya - Soomaaliya waxaa soo foodsaartay xasillooni-darro iyo cabsi amni oo khatar gelin kara horumarkii laga sameeyay dagaalka lagula jiro Kooxda Al-Shabaab, oo saan ogsoonahay gumaad ku haysa Shacabka.

Colaadda Itoobiya waxay leedahay cawaaqib xumo aad u ba'an oo xasiloonida iyo nabadgelyada Soomaaliya wax u dhimi karta, maadaama labada dalka ay wadaagaan xuduud dheer, islamarkaana uu jira isdhexgal dhinac walba leh.

Itoobiya ayaa mudo dheera faragelin ku haysay Soomaaliya tan iyo burburkii, oo ay hubeyn jirtay hogaamiye kooxeedyadii dalka qaribay, iyadoo dowladda la'aanta uga faa'idaysatay, waxaana wali jira gumeysi dadban iyo lugooyadda ay Addis Ababa ku hayso madaxda Soomaalida.

Itoobiya, AMISOM & Kenya

AMISOM waxay ka baxaysaa Soomaaliya dhamaadka 2021, laakiin dowladda Soomaaliya diyaar uma noqon kala guurka amniga. Beesha caalamku waxay mar kale raadin doontaa inay kordhiso waqtiga howlgalka Ciidanka Midowga Afrika, waxayna weydiisaneysaa Midowga Yurub inuu sii wado bixinta lacagaha howlgalka oo ku eg December 2020.

Dowladda hadda jirta ee Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed C/llaahi "Farmaajo", oo ay taageerto Itoobiya, ayaa ku fashilantay mudadii ay jirtay dhinaca amniga iyo siyaasadda, iyadoo ka saari waysay Al-Shabaab degaanada ay ku sugan tahay.

Siyaasadda Farmaajo ayaa toos ugu xirantay Addis Ababa kadib markii Abiy Axmed uu noqday Ra’iisul Wasaare April 2018, isagoo sameeya wax kasta oo ka dhacaya dalka uu deriska la yahay, ee tan iyo 1991 fareglinta ku hayay siyaasadda Soomaaliya.

Farmaajo oo lasoo baxay dhaqanka kaligii-taliska ayaa burburiyay nidaamka Federaalka, isagoo farageliyay doorashooyinka Maamul Goboleedyada, laga soo billaabo Koonfur Galbeed oo Sanadkii 2018 kahor istagay Mukhtaar Roobow doorashada, oo laga soo afduubay Baydhabo, kadibna NISA u qaadey Muqdisho oo illaa hadda ku xiran yahay.

Ciidamada Itoobiya ayaa loo adeegsaday soo qabashada Roobow, waxayna ku lug lahaayeen dilka dibadbaxayaasha Baydhabo, oo markii uu ka hadlay ergaygii QM Nickolas Haysamo uu Farmaajo dalka ka ceyriyay horaantii 2019.

Waxaa la geeyay Baydhabo Ciidan Itoobiyaan ah oo aad u badan kadib doorashii Lafta Gareen, oo ahaa Wasiir katirsanaa dowladda Farmaajo oo si aan sharci ahayn looga dhigay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Ciidamada Itoobiya ayaa loo adeegsaday Axmed Madoobe, madaxweynaha Jubaland, oo la isku dayay in lasoo xiro kadib doorashadii August 2019 ka dhacday Kismaayo, waxaana isku daygaas noqdy mid fashilmay, iyadoo diyaaradii wadey askarta Itoobiyaanka laga celiyay hawada.

Madoobe asalkisa ka yimid Al-Shabaab, ayaa sanado badan khilaaf kala dhexeeyey Farmaajo, waxaana Xiisadda cirka isku sii shareertay sanadkii 2019, markii Kismaayo ka dhacday doorasho ay Villa Somalia doonaysay inay xukunka ka tuurto hogaamiyaha Raas Kambooni, iyadoo u dirtay musharaxiin ku beel ah, laakiin u noqon waysay.

Ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya ayaa qarka u koray inay dagaalamaan, kadib markii la isku dayay in Axmed Madoobo lasoo xiro. Hadii uu dhici lahaa dagaalkooda, waxuu khatar ku noqon lahaa AMISOM.

AMISOM waxay ka kooban tahay askar ka kala yimid Kenya, Itoobiya, Uganda, Burundi iyo Jabuuti.

Xasiloonida gobolka Geeska Afrika waa mid isku xiran, hadii uu sii xoogeysto dagaalka Itoobiya waxaa hubaal ah in wadan walba saameyn doono, haba ugu darnaatee Soomaaliya oo dowlad xoog leh ka jirin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.