Mid kamid ah Wadooyinka galo Garoonka Aadan Cadde oo Nadaafad darro u xirmay

Biyo fariisinka waddooyinka Muqdisho ayaa loo sababeynayaa bullaacadihii biyaha qaadi lahaa oo xiran farsamo xumada Injineerada dhisay awgood.

Warar Keydmedia Online
Mid kamid ah Wadooyinka galo Garoonka Aadan Cadde oo Nadaafad darro u xirmay

MUQDISHO, Soomaaliya – Wadada ka leexato Isgoyska KM-4 ee aadda dhanka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa nadaafad darro darteed u go’an kadib markii ay buux dhaafiyeen biyo wasaqeysan oo ka dhashay roobaabkii xooganaa ee maalmihii lasoo dhaafay ka da’ayay magaalada iyo gobolada dalka.

Jidkan oo muhiim u ah isu socodka bulshada iyo kuwa ku safra Garoonka iyo kuwa ka soo dagga ayaa waxaa saameyn ku yeeshay biyaha fariistay, waxaana istaagay shaqadii Basaska shirkadda Sahal ee qaada dadka rakaabka ah.

Muddo todobaad ah ayay xirantahay wadadaan, waxaana dadka aadaya Garoonka ay ku qasbanaadeen in wareeg dheer oo dhinaca degmada Waaberi marta, oo ay kasoo galaan.

Dhinaca kale, waxaa iyana xiran oo xaalad cakirnaan ah ay ka jirtaa wadada isku xirta Isgoysyada Zoobe iyo Danwadaagta ee dhexmarto Xaafadda Buula-Xuubey, kadib markii ay Biyo wasaqeysan fariisteen agagaarka dhismihii hore Somali airlines iyo Bangaariyada Degmada Wadajir.

Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee isticmaala wadadaan ayaa maalmahaan ka kala wareegayay halka Biyaha fadhiyaan, waxayna dadka shacabka ah dhexmarayeen jidcadayaasha xaafadaha ka ag dhow si ay dhinaca kale uga gudbaan.

In Waddooyink biyo xiraan ayaa waxey muujineysaa heerka nadaafad darrada ah ee ka jiro magaalada, waxaana xusid mudan in shacabka Muqdisho ay markii hore ku dhibanaayeen wadooyinka dhagxaanta lagu jaray, hadana ugu sii darsantay nadaafad darro ay mas'uuliyadeed uu leeyahay maamulka Gobolka Banaadir.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.