Mucaaradka oo ka qeygali doono Shir lagu qabanayo Dhuusamareeb

Maareeye ayaa hadalkan sheegay kadib markii Dowladda cadaadis kala kulantay Beesha Caalamka, oo ku aadan ka qeybgal la'aanta Xisbiyada ee Wadahadallada ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka.

Warar Keydmedia Online
Mucaaradka oo ka qeygali doono Shir lagu qabanayo Dhuusamareeb

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxamed Cabdi Maareeye, Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, ayaa shaaciyay in Xisbiyadda Siyaasadda ay ka qeybgali doonaan Shirka 15-ka bishia August ee 2020 ka furmi doono, kaasoo daba socda kulankii Farmaajo iyo Maamul Goboleedyada.

Wuxuu xusay in Saamileyda Siyaasadda ay ka doodi doonaan nooca doorasho ee la qaban karo iyo waqtiga suurta-galka ah, maadaama mudadii horey loo qorsheeyay ee ahayd in November 2020 billaabato doorashada Xildhibaanada, sidoo kalena Febuary 2021 la doorto Madaxweynaha.

Wararka ayaa sheegay in Dowladda la kulantay cadaadis gudaha iyo dibadda, kadib markii Xisbiyadda Mucaaradka laga qeybgalin waayay Shirkii lagu soo gaba-gabeeyay 22-kii Bishaan magaaladda Dhuusamareeb, kaasoo aan wali wax natiijo la taaban karo kasoo bixin.

War-murtiyeedka Shirka ayaa ahaa mid hoos uga dhacay natiijadii Shacabka filayeen, kadib markii Farmaajo ku fashilmay inuu go'aan ka gaaro arrimaha doorashadda ee muranka ka taagan, maadaama uu yahay Madaxweynaha dalka.

Maamullada iyo DF ayaa isku afgartay inay magacaabaan guddi isku dhaf ah, oo qiimeyn kusoo sameeya nooca doorasho ee la qaban karo, iyadoo waqtiga haray lagu xisaabtamayo, waxaana warbixintooda go'aan looga gaari doonaan shirka August 15 furmaya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.