Qoor Qoor oo kulamo kawado Muqdisho

Kulanka oo ahaa mid is xog-wareysi ah, ayaa guddiga uga warbixiyey Madaxweynaha Galmudug hawlahooda shaqo ee ku aadan kasoo talo-bixinta nooca doorasho ee ka dhici karta Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Qoor Qoor oo kulamo kawado Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, oo maalman ku maqnaa Turkiga ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho, isagoo durba billaabay kulamo gaar-gaar ah oo uu la qaadanayo gudiga loo xil-saaray kasoo tala-bixin doorashooyinka iyo siyaasiyiin kala duwan.

Guddiga Farsamada ee ka Baaraan Dagidda Habsami u socodka Hannaanka Doorashooyinka dalka oo dhawaan lagu dhisay Shirkii Dhuusamareeb labo ayaa wuxuu ka kooban yahay xubno kala matalaya dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada dalka.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa isku dayaya inuusan baaqan shirka Dhuusamareeb 3, kaasoo la qorsheeyay inuu 15-ka bishaan ka furmo caasimadda Galmudug, iyadoo shaki laga muujinayo qabsoomida kulanka, maadaama Farmaajo uu ka baxay balantii lasoo galay Maamuulada.

Intii uu ku sugnaa Turkiga, wuxuu Istanbul kula kulmay Jaaliyadda Soomaalida oo xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo isku diyaarinaya tartanka xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2020-21.

Farmaajo ayaan wali magacaabin Ra'iisul Wasaare fulin doono go'aanada kasoo baxa Shirka Dhuusamareeb, waxaana dalka si sharci darro ah uga taliya Xukuumadda aan haysan kalsoonida Gollaha Shacabka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.