RW Rooble oo qarka u saaran fashil

Afar maalmood ayaa ka dhiman maalintii la magacaabey, waxay hal bil u buuxsamaysaa sabtida soo socoto, waxaana wali jrin wax golle wasiiro oo uu magacaabey bishii loo qabtay.

Warar Keydmedia Online
RW Rooble oo qarka u saaran fashil

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo mudada xil-heyntiisu yartahay ayaa u muuqda inuu soo wajahay fashil kadib markii mudo bil gudahooda kusoo magacaabi waayay Gollaha Wasiiradda.

Waxaa jiray baaqyo loo jeediyay Rooble markii uu xilka la wareegay, oo ahayd inuusan waqtiga ku lumin soo xulista Wasiirro cusub, islamarkaana uu soo celiyo kuwii hore si loo qabto shaqooyinka horyaalla, oo ay kamid yahay doorashadda, oo dhacaysa December 2020.

Illo lagu kasoon yahay oo ku dhaw Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa u sheegay Keydmedia Online in Rooble uu ku jahwareersan yahay amarada uga imaanaya Xafiiska Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, ee ku saabsan shaqsiyaadka uu soo magacaabayo.

Wararka ayaa sheegaya in faragelinta lagu hayo xafiiska Rooble, ay sababta u tahay daahinta magacaabista Wasiiradda, waxaana tani keeni kartaa inuu fashilmo heshiiskii doorashadda, oo dhigaya in Xildhibaanka ugu horeeya la doorto 1-da December.

Xaalad hubanti la'aan ah iyo faragelin xoog leh ayuu Rooble dhexda ka galay. Markii uu Khayre ka tagey, Farmaajo ayaa usoo magacaabey Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Wiil dhalinyaro ah oo beeshiisa kasoo jeeda, C/risaaq Xuseen Aadan, oo Rooble ku noqday laf-dhuun gashay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.