Sababta uu u dhintay Cali Khaliif oo la baarayo

AUN Cali Khaliif ayaa mudooyinkii dambe ku sugnaa magaaladda Jigjiga, halkaasoo uu kulamo kula yeeshay Mas'uuliyiin kala duwan, oo kuwa Jabhadda ONLF kamid yihiin.

Warar Keydmedia Online
Sababta uu u dhintay Cali Khaliif oo la baarayo

JIGJIGA - Waxaa soo baxay shaki ku saabsan in Cali Khaliif uusan si caadi ah u dhiman, sidaas darteed Madaxweynaha Is-maamulka Soomaalida dalka Itoobiya Mustafe Cagjar ayaa magacaabey gudi baaritaan ku sameeyay sababta dhimashadiisa.

Cali Khaliif oo 2000-2001 Ra'iisul Wasaare kasoo nqoday Soomaaliya ayaa si lama filaan ah ugu dhintay Maanta Jigjiga, waxaana geeridiisa ay ahayd mid naxdin leh, oo ay ka tacsidayeeyeen Madax sare, oo Farmaajo uu kamid yahay.

Illaa hadda ma cadda sababaha uu u geeriyoodey Cali Khaliif iyo ujeedka uu Jigjiga mudada Maalmahan ah ugu sugnaa, iyadoo tani ay dhalisay su'aallo badan oo dadka qaar ay ka shakiyeen in la dilay Mas'uulka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.