Shirkii Musharixiinta Mucaaradka oo abuuray jawi siyaasadeed cusub

Waxay isku raaceen Musharixiinta inay qabtaan doorasho, sidoo kalena ay la wareegaan talada dalka, hadii uu Farmaajo sii wado hanaanka isaga uu sameystay ee doorashadda.

Warar Keydmedia Online
Shirkii Musharixiinta Mucaaradka oo abuuray jawi siyaasadeed cusub

MUQDISHO, Soomaaliya - Shir-weynihii Musharixiinta Madaxweynaha ee lixda maalmood ka socday hotel Jazeera ayaa bedelay jihada siyaasadadda, waxuuna abuuray jawi cusub oo dhiilo colaadeed xambaarsan.

Waxaa laga soo saarey Shirka war-murtiyeed luuqad adag lagu qoray, oo ka koobnaa 18 qodob kuwaasoo markii ay ku dhaceen dhegaha Farmaajo islamarkiiba wax ka bedeleen xaaladda Muqdisho, iyadoo wadooyinka lagu soo daadiyay Ciidamo, sidoo kalena la adkeeyay amniga Villa Somalia.

Musharixiinta Mucaaradka waxaa ka muuqday ka go'naansho inaysan Muqdisho ka dhicin doorasho sharci darro ah, oo baalmarsan dastuurka iyo heshiiskii siyaasadeed ee lagu gaarey Caasimadda 17-kii September 2020.

Qodobada waxaa kamid ah in la kala diro gudiyadda doorashadda iyo xalinta khilaafaadka, oo dhalinyaro u badan taageeriyaashii Farmaajo ee baraha bulshadda, shaqaale dowladeed iyo NISA, lana magacaabo kuwa cusub oo dhinacyada isla soo xuleen.

Waxay ku baaqeen in Fahad Yaasiin xilka laga qaado, kadib markii uu noqday madaxa ololaha dib u doorashadda Farmaajo, si hay'adda NISA u noqoto dhex-dhexaad, sidoo kalena loo daayo Cabdi Xaashi magacaabista gudiga doorashadda Xildhibaanada Somaliland.

Go'aanada kasoo baxay Shirka waxay culeys saareen Farmaajo, oo lasoo gudboonaatey cabsi iyo walaac, isagoo dareemay in kursigiisa uu khatar galay, islamarkaana ay kusoo socdaan mowjado xooggan oo gilgilay Villa Somalia.

Madaxweynaha waqtigiisu sii dhamaanayo ayaa laga dalbadey inuu joojiyo ku tagrifalka dhaqaalaha dalka iyo in uu adeegsqado hantida dalka, xafiisyada dowladda, ciidanka & shaqaalaha ka tirsan dowladda ku daneysiga ololihiisa doorashoyinka.

14-ka Musharax waxaa ku jira xubno miisaan siyaasadeed iyo mid Ciidan ku leh Muqdisho, sida Sheekh Shariif, Xasan Sheekh, CC Shakuur, C/qaadir Cosoble iyo kuwa kale oo kasoo jeeda beelaha Hawiye.

Farmaajo ayaa ka baal-furay Shirka Musaraxiinta mid kale oo isagu keenay odayaasha beelaha hawiye, isagoo ugu tala-galay inuu ku kala fur-furo mucaaradka, isagoo u adeegsanaya rag ay isku ubeel yihiin, sida Cumar Filish oo ku hanjabay in la dili doono siyaasiyiinta mucaaradka, hadii ay isku dayaan inay qal-qal ka buuraan Muqdisho.

Cumar Finish wuxuu iclaamiyey dagaal iyo in la dili karo dadka la tartamaya Madaxweyne Farmaajo, waxaana hadalkiisa lagu tilmaamay inuu yahay astaamaha argagixisada ku baneystaan dhiigo dadka. Haloo diyaar garoobo ama kuwa uu afkooda ku hadlay ha iska bari yeelaano, waa marqaati cad oo lagu iclaamiyay dagaal.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in hadalkaan duqa Muqdisho uu yahay gaf ama qadaf weyn oo ka dhan ah murashaxiinta, waana wax laga xumaado in lagu sifeeyo munaafiqiin, kadibna loo sameeyo qiil lagu dili karo.

Si kastaba, waxay shacabka Soomaaliyeed indhaha ku hayaan isbedelada dhici doono, iyagoo u dheg-taagaya waxa ay noqon doono jawaabta Musharaxiinta iyo tallaabooyinka xiga ee ay qaadi doonaan mar hadii Farmaajo dagaal u diyaar garoobay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.