Wadahadallo ka socda xarunta Xalane

Safiiradda Beesha Caalamka ayaa isku dayaya inay dhex-dhexaadiyaan heshiis laga gaaro khilaafka iyo kala aragti-duwanaanta ku aadan nooca doorashadda, oo Jubbaland iyo Puntland wali ay diidan yihiin natiijadii Shirkii Dhuusamareeb.

Warar Keydmedia Online
Wadahadallo ka socda xarunta Xalane

MUQDISHO, Soomaaliya - Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa mudo saacado ah ku sugnaa xarunta Xalane, kadib markii ay Maanta kasoo degeen Garoonka diyaaradaha magaaladda Muqdisho.

Waxay la kulmeen Safiiradda Mareykanka, Ingiriiska, Sweden, Talyaaniga, Midowga Yurub iyo diblomaasiyiin kale, kuwaasoo kala hadlay sidii Jubbaland iyo Puntland u taageeri lahaayeen heshiiskii Dhuusamareeb ee doorashadda.

Kulanka ayaa ahaa mid gogol-xaar ah, oo dhacay xili Farmaajo lagu wado inuu todobaadka ku marti-geliyo Muqdisho Shir saddex geesood ah, oo u dhaxeeyay dowladiisa iyo labada Maamul ee mucaaradka noqday.

Saaxiibadda Beesha Caalamka ayaa muujiyay inay daneynayaan heshiis wado-ogol ah, oo horseedaya doorasho xor iyo xalaal ah, oo waqtigeeda ku dhacda, si taas loo helana ay lagama maarmaan tahay inay saamileyda siyaasadda dalka go'aan mideysan gaaraan.

Doorashadda waxaa ka dhiman labo bilood, waxaa waqtigii looga lumiyay dalka khilaafaad dano gaar ah ku salaysan, oo aan ka tarjumeynin rabitaanka shacabka dhibaatada kusoo jiray 30-kii sano ee lasoo dhaafay.

Farmaajo ayaa lagu eedeeyay dib u dhaca jira iyo khilaafka siyaasadeed ee daba-dheeraaday, kaasoo hadii uu u howlgali lahaa, ahmiyadana siin lahaa mar hore la dhameyn karay, balse uusan samaynin waxba, balse sii huriyay dhibaatadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.