KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Qoraal uu soo saarey ayuu Xisbiga kusoo dhaweeyay ansixinta heshiiska doorashadda, kaasoo lagu maamuli doono qaabka lagu soo dooran doono Xildhibaanada cusub.
MUQDISHO, Soomaaliya - Xisbiga Wadajir ee uu hogaamiyo C/raxmaan Cabdishakuur ayaa soo dhaweeyay go'aanka Baarlamanka uu ku ansixiyay heshiiska doorashadda, kaasoo looga baaqsanayo inay dalka ka dhacdo marnaasho dhanka awoodda ah marka uu dhamaado mudo-xileedka dowladda.
Wuxuu sheegay Xisbiga inuu ka xunyahay fursaddii uu Farmaajo ka lumiyay shacabka Soomaaliyeed, ee ahayd inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah sanakdan, laakiinse aaney dhicin, iyadoo Villa Soomaaliya raadinaysay mudo-korarsi sharci darro ah.
"Waxay ahayd afar sano oo khasaartay maadaama aan laga dhaqaaqin halkii 2016-kii la taagnaa," ayaa lagu yiri qoraalka Xisbiga, oo nuqul kamid ah Keydmedia Online heshay.
Xisbiga Wadajir ayaa ugu baaqey RW Rooble inuu si cadaalad iyo hufnaan leh u fuliyo heshiiska, wadatashina ula yeesho saamileyda sida tooska ah ugu lugta leh dhanka dhismaha gudiyadda, maamulka iyo amniga doorashadda.
Farmaajo ayaa markii uu xilka qabtay sameeyay balan-qaadyo badan, kuwaasoo aan midba ka fulin, isagoo ku sifoobey "hogaamiye been-sheeg ah", oo shacabka marin-habaabiyay.
Dalka waxaa laga badbaadiyay dagaal iyo siyaasada Farmaajo ee lagu takoorayo qabiilada qaar, laguna sii hurinayo kala qeybsanaanta, iyadoo dhalinyarada lagu beerlaxawsanayo ereyo wadaniyadeed oo been ah. Farmaajo wuxuu lumiyay afar sano, isagoo dib ugu celiyay Soomaaliya meeshii ay joogtay tobanaan sano kahor.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.