KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Shirka ayaa la isku afgaran waynayaa labada ajande ee kala ah doorasho qof iyo cod ah, oo Farmaajo uu wato iyo mida dadban oo Maamul Goboleedyada ku baaqeen.
DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Keymedia Online ayaa heshay xog hoose oo sheegaysa inuu jira isu soo dhawaansho hogaamiyeyaasha Soomaalida ee ku kulmaya magaaladda Dhuusamareeb, kuwaasoo qarka u saaran inay heshiis ka gaaraan nooca doorasho ee dalka ka dhici doonto.
Waxaa jira is-faham, iyadoo madaxda dowladda Dhexe iyo kuwa Maamullada ay ku heshiiyeen mabda 'ahaan in lagu qabto doorashooyinka waqtigooda. Intaa waxaa sii dheer, waxay isku raaceen in ay magacaabaan guddi wadajir ah, oo u kuur-gali doona nooca doorashada ee la qaban karo sanadkan dhamaadkiisa iyo billowda 2021.
Tani ayaa horseedaysa inay madaxda labada dhinac si toos ah u guda galaan Shir weynaha la sugayay, oo lagu wado inay kasoo saaraan war-murtiyeed ay ku shaacin doonaan go'aannada ay gaareen, oo sal u ah heshiiska is-afgaradka ay kulamadoodii hordhaca ku gaareen.
Farmaajo ayaa mudo ku dheganaa mowqifkiisa ahaa in dowladdiisa loo sameeyo mudo kordhin ugu yaraan hal sano, si ay u qabato doorasho qof iyo cod ah, taasoo sharcigeeda dhawaan meel mariyay Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo arintaasi ay gaashaanka ku dhufteen Maamullada.
Madaxweyniii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Ururada Bulshada Rayid ayaa walaac ka muujiyay in Madaxda Dhuusamareeb ku kulansan ay heshiis la'aan kusoo kala tagaan, taasoo keeni karta inaysan doorasho dhicin, oo dalka soo wajahdo marnaansho dhanka awoodda.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.