Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Todobaadkan Galmudug ayaa gashay marxalad cusub, iyadoo Qoor-Qoor soo wajahday hubanti la'aan mustaqbalkiisa hogaamineed kadib markii Ahlu Sunna dib soo laba kaclaysay, kala soco macluumaadkii ku dhaafay Warbixinta Todobaadlaha Keydmedia Online.

Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

27 September 2021: Allah u naxariistee, waxaa Muqdisho ku geeriyooday Cabdi Muridi Dheere (Ajakis) oo kamid ahaa majaajilistayaasha Soomaaliyeed kuwa aadka loogu jeclaa. [Halkan kasii akhri].

Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay heybta iyo magaca naftii-haligihii isku qarxiyay Isgoyska Ceel-Gaab ee dilay dadka shacabka ay ku jireen Hooyo iyo Carruurteeda. [Halkan kasii akhri].

28 September 2021: RW Rooble ayaa sheegay in Maxkamad lasoo taagi doono kuwii ka dambeeyay dilka Ikraan Tahliil, markuu soo dhamaado baaritaanka Maxkamadda. [Halkan ka akhri].

Sida ay ogaatay Keydmedia Online, Farmaajo ayaa wajahaya cadaadiskii ugu xoogganaa ee dhanka amniga la xariira, kadib markii ay si is daba joog ah u soo gaareen dhambaallo sheegaya inuu qaadayo masuuliyadda wixii khalkhal amni ah oo ku yimaada doorashooyinka. [Halkan kasii akhri].

29 September 2021: Mursal ayaa soo xiray albabaabkii ugu dambeeyay ee Farmaajo, kaasoo ah Gollaha Shacabka oo shaqadiisii lasoo afjaray. Go'aankan ayaa soo afjaray cabsidii laga qabay in Gollaha loo adeegsado mooshin sharci darro ah oo RW xilka looga qaadayo. [Halkan kasii akhri].

Doorashadda Kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland ayaa ka dhacday Muqdisho, iyadoo Cabdi Xaashi uu difaacday kursigiisa kadib halgan dheer iyo dagaal uu la galay Farmaajo. [Halkan kasii akhri].

30 September 2021: Dagaal ay ku dhinteen 10 qof ayaa ka dhacay degaanka Bohol, oo qiyaastii 35-KM dhanka waqooyi uga beegan Caasimadda DG Galmudug. [Halkan kasii akhri].

Musharixiin miisaan culus, oo kasoo jeeda Galmudug ayaa baaq kasoo saarey colaadda Galgaduud iyo abaabulka ay wado Ahlu Sunna oo laga digay inuu khatar geliyo amniga. [Halkan kasii akhri].

1 October 2021: Warshadii ugu horeysay oo soo saarta Oxygen ayaa laga hirgeliyay Muqdisho xili baahi badan loo qabo oo bukaano badan oo ku dhacay Covid-19 u dhimanayaan neef la'aan. [Halkan kasii akhri].

2 October 2021: Ahlu Sunna ayaa dib ula wareegtay degmada Guriceel, ee gobolka Galgaduud iyadoo aan la kulmin wax iska caabin ah, kadib markii Ciidankii DF ay faarujiyeen saldhigyadooda. [Halkan kasii akhri].

Kenya ayaa saldhig Ciidankeeda badda uga dhistay meel ku dhaw xuduuda badda Soomaaliya, ee ay doonayso inay si sharci darro ah ku boobto kahor inta uusan soo bixin go'aanka ICJ. [Hakan kasii akhri].

Somaliland ayaa sidii ajnabi ula dhaqantay 750 Soomaali ah oo kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo ay kasoo tarxiishay Magaaladda Laascaanood. [Halkan kasii akhri].

3 October 2021: Hogaanka Habargidir ayaa ka hadlay colaadda kasoo cusboonaatay degaannada Galgaduud, ee hoos yimaada Galmudug. [Halkan kasii akhri].

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.