LAAB-LA-KAC MAYA: XASANOW HALA XISAABTAMO
Hadal-heynta badan ayaa ka jirtay Soomaaliya Todobaadkii tagey, oo ku saabsan lacagta Imaaraadka, ee Rooble balan-qaadey in dib loo celinayo iyo go'aankii Farmaajo, kala soco Macluumaad kale Warbixinta Dhacdooyinka Todobaadka ee Keydmedia Online.
16 January 2022: Xildhibaanno ka tirsanaa baarlamaankii 10-aad ee Soomaaliya, ayaa su’aallo ka keenay sababta loo beegsado dadka katirsan xafiiska RW Rooble. [Halkan kala soco].
17 January 2022: Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Sanbaloolshe ayaa ku tilmaamay Farmaajo "ma tanaasule", aan saxaynin qaladaadkiisa, islamarkaana xukunka jecel. [Halkan kala soco].
18 January 2022: Kadib markii la arkay inuu Qoor-Qoor ku fashilmay hogaaminta iyo ka shaqeynta horumarka Galmudug, waxaa Muqdisho lagu dhisay Madal cusub. [Halkan kala soco].
19 January 2022: Somaliland ayaa ku hungowdey qorshe ay lacag badan ku bixisay, oo ku doonaysay inay aqoonsiga uga hesho dowladda Ingiriiska, oo gumeysatay. [Halkan kala soco].
20 January 2022: Rooble ayaa kahor istaagey isku-daygiisa inuu galaan-gal ku yeesho Gudiyada doorashooyinka markii laga saarey xubnihii isaga daacada u ahaa. [Halkan kala soco].
21 January 2022: CC Warsame ayaa si adag uga falceliyay qormo uu Fahad Yaasiin ka sameeyay xukunkiisii NISA, oo ku xaliyay welwelka amni MD hore Farmaajo. [Halkan kala soco].
22 January 2022: Warbixin cusub oo soo baxdey ayaa sheegaysa in askartii Soomaalida ee lagu tababarey Eritrea inay xasuuq ka geysteen gobolka Tigray, ee Itoobiya. [Halkan kala soco].
23 January 2022: Xukuumadda RW Rooble ayaa lagu wadaa inay raali-gelin ka siiso ONLF dhiibistii Qalbi-Dhagax ee Itoobiya xili dhawaana la raali-geliyay Imaaraadka. [Halkan kala soco].
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments