Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Soomaaliya Todobaadkii tagey waxaa ka billaabatay doorashadii mudada dheer la sugayay, waxaana RW Rooble uu ka dhoofay Muqdisho xili xaaladda cakiran tahay, kala soco macluumaad intaasi ka badan Warbixinta Dhacdooyinka Todobaadka, ee Keydmedia Online.

Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

26 July 2021: Ra;iisul Wasaare Rooble ayaa u ambabaxay magaaladda London, ee Caasimadda UK halkaasoo uu uga qeybgalay Shirka Waxbarashadda Caalamka [Global Education Summit], kaasoo labo maalin qaatay. [Halkan kasii akhri].

27 July 2021: Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidanka ayaa magacawday Gudi ka kooban saddex Xubnood oo baaritaan ku sameeyay maqnaashaha Ikraan Tahliil Faarax, oo NISA katirsanayd, isla hay'adda ku dhex-maqan. [Halkan kasii akhri].

28 July 2021: Keydmedia Online ayaa heshay xog gaar ah oo ku saabsan in Kulane Jiis loo magacaabey xil sare maalmo kadib markii RW Rooble uu xilka ka qaadey isaga iyo Madaxii hay'adda NISA u qaabilsanaa Garoonka diyaaradaha. [Halkan kasii akhri].

Qoyska Ikraan Tahliil ayaa diiday gudiga baaritaanka ee la magacaabey, waxayna sheegeen in aysan ku qanacsanayn inuu soo saari doono natiijo lagu kalsoonaan karo, iyagoo dalbaday gudiga madax-banaan in loo xil-saaro raadinta halka ay ku maqan tahay Gabadhooda ay waysan yihiin tan iyo 26-kii June 2021. [Halkan ka akhri].

29 July 2021: Magaaladda Kismaayo waxaa ka billaabatay doorashadda Aqalka Sare, iyadoo Jubbaland dooratay afar Musharax oo ku dhaw Axmed Madoobe, kuwaasoo qeyb ka ah 8 kursi oo ay ka heshay Senate-ka. [Halkan kaa akhri].

Axmed Madoobe ayaa sameeyay sed-bursigii ugu weynaa, isagoo ka dhigay Jubbaland Mooro Daarood, wuxuuna xaqooda duudsiiyay dadkii degaanka uu ugu yimid, kuwaasoo aan cod iyo awood badan lahayn. [Halkan kasii akhri].

30 July 2021: Qarax ayaa ka dhacay Kismaayo, kaasoo ka dhashay miino lagu xiray Gaari Bus ah oo ay la socdeen ciyaartoyada Kooxda JCCI, oo kamid ah kuwa heerka koowaad waxaana ku dhintay afar qof oo labo ay ciyaartoy ahaayeen. [Halkan kala soco Fahfaahin].

Keydmedia Online ayaa ogaatay inay weli nooshay Ikraan Tahliil, oo mudo ka badan hal bil nolol iyo geeri toona lagu heynin, iyadoo walaac xoog leh uu jiray oo ku saan in Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis Gabadha ay dileen kadibna ay aaseen. [Halkan kala soco xogta KON].

31 July 2021: Lafta-Gareen ayaa soo saarey liiska Musharixiinta shan kursi oo kamid ah 8 kursi oo maamulkiisa ka helay Aqalka Sare, laakiin waxay dad badan ka keeneen su'aallo qaabka xulista, oo ka muuqdo in loogu adeegayo Farmaajo. [Halkan kasii akhri].

RW Rooble ayaa dalka dib ugu soo laabtay shalay, isagoo ku baaqey in la dedejiyo doorashadda, wuxuuna baaq u diray Maamul goboleedyada aan wali soo saarin liiska Musharixiinta, sida Puntland, Galmudug iyo HirShabeelle.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.