Diiradda Amniga QEYBTA 3aad

Weerarkii Xabsiga Dhexe

Warbixin Keydmedia Online

Daawo Qeybta Labaad ee Barnaamijkaan - Iyadoo laga duulayo in dadweynaha Soomaaliyeed laga haqabtiro wararka, xogaha iyo xaaladaha dhabta ah ee dalka Soomaaliya ka jira ayaan si gaar ah ugu lafagurnaa barnaamijka diiradda amniga kuna soo bandhignaa barnaamijyo si qotodheer uga hadlaya dhacdooyin la xiriira amniga. 

Weerarkii Xabsiga Dhexe

Markii ay taariikhdu ahayd 08/08/2020 Abbaarihii 1-dii duhurnimo waxaa alaabtii xabsiga u socotey Maxamuud Forex maqaayadda Xaawo ka soo qaaday L/A/le Cali Cumar Muuse(Baraf) oo ka tirsan ciidanka Xabsiga Dhexe ee Xamar ahna furahayaha Xabsiga ee Xamar oo si joogto ah ugu adeegi jiray Maxamuud Forex. 

Markii uu Baraf isku dayey inuu xabsiga soo geliyo alaabtii ayaa waxaa ka hor istaagey oo celiyey Dhamme Cali Barre Cali oo wakhtigaas heeganka lahaa.  Baraf iyo alaabtiina waxaa lagu celiyey iridda hore ee xabsiga, wuxuuna la xiriiray X/le Cabdi Maxamed Maxamuud (Duuliye ) una sheegay in Cali Barre uu albaabka ku celiyey alaab uu soo gelin lahaa. X/le Duuliye wuxuu durbadiiba taleefon kula hadlay Dhame Cali Barre waxaana sidaa lagu sii daayay alaabtii oo aan la baarin. 

Taariikhdu markay ahayd 09/08/2020 abbaarihii 11:00-kii barqannimo ayaa waxaa shiray xubnihii 6da ahaa ee weerarka fuliyey waxayna qeybsadeen alaabtii loo keenay iyagoo isla gartay inay u baahan yihiin Rasaas dheeraad ah.

10/08/2020 ayuu mar kale Gamaadiid 10/08/2020 la kulmay Maxamuud Forex kana codsaday inuu mar labaad alaab ugu soo daro alaabta loo keenayo safarkaan wuuna ka aqbalay.  Alaabtii ayaa mar labaad la soo geliyey xabsiga iyadoon la baarin halkaas ayayna mar kale ku qaybsadeen.  

Sida ila xog-ogaal ah ay Keydmedia Online ka soo xigatay waxaa alaabtii u horreysey hal bambo gacmeed iyo bastoolad lagu wareejiyey oo qaatay Timajilic oo ku xirnaa qolka 6aad.  2 bastooladood iyo 2 bambo gacmeed oo kalena waxaa qaatay Gamaadiid iyo Liibaan Waarikoow oo wada deganaa qolka 10aad.  Kooxda weerarka abaabuleysey ayaa si aan loo ogaan qorshahooda ayna u marin habaabiyaan maxaabiista, ciidanka xabsiga ilaaliya iyo cid kasta oo tuhmi karta loona baabi’iyo raadka alaabta bannaanka uga timid qolka 5aad ay qaab gacansi ahaan ah u geeyeen xoogaa liin ah.

Markii taariikhdu 10/08/2020 Abaaro 06:30-kii subaxnimo ayaa baco ay ku jiraan hilib iyo laba qasac oo caano ku jiraan gudahana looga soo qariyey khasnado iyo bastoolado waxaa sidii caadada ahayd keenay Labo Alifle Cali Cumar Muuse(Baraf).  Sidoo kale wakhtiganna waxaa heeganka iyo lasocodka albaabka hore amase 1aad lahaa Dhamme Cali Barre Cali, wuxuuna sii daayay Baraf iyo alaabtii uu soo gelinayey iyadoon la baarin. Albaabka 2aad ayaa shaqada ka hayay K/S Maxamed Maxamuud Mataan (Qaalin ) oo isaguna isagoon baarin alaabtii sii daayay, taasoo loo sii gudbiyey qolka 10aad oo uu ku sugnaa Maxamed Forex.  Gamaadiid ayaa Maxamed Forex qolka 10aad ugu tegey kalana wareegay alaabtii.

Gamaadiid ayaa alaabtii uu guddoomey u dhiibey C/laahi Sheekh Xuseen (Galmudug) oo ka mid ah Ragii weerarka fuliyey Abaabulayay isagoo cod dheer ku su’aalay ‘’ma iga haysaa Alaabta‘’? wuxuuna ugu jawaabay “haa”, halkaas ayayna alaabtii mar kale ku qaybsadeen.

Kooxda xilligaas weerarka qorshaynaysay ayaa ku ballamay inay weerarka billaabaan markii maxaabiistu ay xaroonayaan oo ay qolalka soo gelayaan.  Gamaadiid ayaa dabadeed u tegey C/llaahi Axmed Xuseen oo loo yaqaanney CR, kana mid ahaa maxaabiistii ku xirnayd qolka 10aad. C/llaahi ayaa isagu hayey burus uu lahaa horjoogaha maxaabiista dharcadka ah oo lagu magacaabo Muuse Xuseen Jibriil.  Gamaadiid ayaa ku marmarsiiyooday inuu buruska u isticmaalayo inuu ku dhegsado marawaxad. 

Markii la gaaray xiligii ay maxaabiistu xeroodeen ayaa Muuse ku soo laabtay qolkii 10aad wuxuuna C/laahi weydiiyey inuu ka war hayo cidda qaadday buruskii uu dul saartay sariirta uu ku seexdo korkeeda, muusena wuxuu durbadiiba ku jawaabey inuu Gamaadiid qaatay buruskii.  Muuse wuxuu durbadiiba u tegey Gamaadiid wuxuuna u sheegay inuu buruskiisii siiyo, Gamaadiid ayaana ugu jawaabey in buruskii lugla maqan yahay qolka 8aad mar dhawna loo soo celin doono wuxuuna ka codsaday inuu waxyar sugo.  Intii ay Gamaadiid iyo Muuse wada hadlayeen ayaa waxaa billawday weerarkii.

Kala soco Qeybta saddexaad ee banrmaajikaan qaabka uu weerarka u dhacay oo ay dowladdu isku dayday in ay qariso.

Todobaadka soo socda iyo KEYDMEDIA ONLINE.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.