LAAB-LA-KAC MAYA: XASANOW HALA XISAABTAMO
Daawo Warbixinta Hordhaca - Weerarkii Xabsiga Dhexe waxaa bilaabay Mubaarak oo ka baxay Albaaka 2aad ee xiga dhanka maxaabiista irriddaas oo uu furaheeda hayay Kormeere Saddexaad Numberkiisa yahay C.A.S 422 Maxamed Maxamuud Mattaan ( Qaalim) oo xiligaas shaqada ku jiray , markuu ka soo gudbay albaabka 2aad ayuu gaaray albaabka 1aad oo ay ku wada sugnaayeen Dhamme Cali Barre Cali Iyo AHUN marxuum Ex. K/S Maxamed Yuusuf Tooxoow.
Wuxuu durbadiiba toogtey K/S Maxamuud Yuusuf, kadibna waxa uu ka baxay albaabka 1aad eexabdiga dhanka uu joogay Dhamme Cali Barre Cali isagoo wax fal ah u geysanin Dhamme Cali Barre, kadibna Waxuu u sii gudbey Qeybta Dumarku ay xabsiga kaga xaraysan yihiin isagoo sii hoos maray koolbawaardiyaha oo uu saarnaa D/le (Dable) Isaaq geedi ibraaahin waxuuna toos u abbaaray dhanka qashinqubka isagoo dhexmaray oo uu dekada gudaheeda kaga gudbay dhanka laga dhoofiyo Xoolaha irriddeeda.
Intii uu halkaas ka gudbayey ayuu meel u dhexaysa labada koolbawaardiye ku toogtay oo uuna ku diley AHUN (Allaha u naxariiste) Ex. Mukhtaar C/laahi Muuse oo ahaa wade mooto bajaaj kadibna sidaas ayuu u Mubaarak mooto bajaaj waddada mareysey ku baxsaday cid ceyrsatey amaba dabajoogteyna ma aysan jirin oo si dhib yar ayuu u fakaday.
Dilkii Marxuum Maxamed Maxamuud Tooxoow kadib ayay ciidanka xabsiga ilaaliya maxaabiista dharcadka ah ku amreen inay xaroodaan waxaana qolka 10aad u furay D/Le (Dable): 8150 Madeey Maxamed Nuur oo ahaa Furahayaha Qolka 10aad.
Gamaadiid oo isagu ku xirnaa qolka 10aad ayaa markii uu AHUN Maadeey albaabka furay xabbad billaabay, waxayna xabbaddii u horreysey ee uu soo ridey haleeshay maxbuus ku xirnaa qolka 6aad oo lagu magacaabo Caalami, kadibna wuxuu lasoo baxay buruskii uu lahaa Muuse wuxuuna ku jabiyay Qolka 6aad si ay isu garabsadaan oo uu saaxiibkiis Timajilic uga garab dagaallamo.
Markii ay is haleeleen oo ay goob wadatageen Gamadiid, Timajilic iyo Liibaan waarikoow waxay bilaabeen dagaal toos ah. Xabadaha & qaraxyada ayaa talantaalli isku qabsaday, jahawareer iyo cabsi lixaad leh ayaa abuurantay qof kastana naftiisa ayuu u raadshey mus uu ku baxdado.
Ma ahan wax caadi ah in xabsiga ay maxaabiis gaareysa 1500 oo qof uu dagaal noocaas ahi ka dhex billawdo. Intii ay rasaastu socotey ayay dileen:
Intii ay Gamaadiid, Timajilic & Liibaan dagaalka wadeen waxaa garab siinaayay oo rasaasta u cabbaynayey:- Asad Cumar Sanbuus, C/Laahi sh. Xuseen {Galmudug}, Mustaf Sandheere, Saalax Carab iyo C/Raxmaan Daalibaan. Sidoo kale waxaa maxaabiista guubaabinaayey oo kicinaayey inay dagaallamaan laba xubnood oo la kala yiraahdo Nucmaan iyo Khadar Boqol.
Intii uu socodey weerarka ay fulinayeen kooxda Al-Shabaabka ah ee xabsiga ka dhex dagaallameysey awalna qayb ka ahayd maxaabiistii xabsiga ku jirtey oo ay dhanka kalena iska caabinayeen ciidanka xabsiga ilaalinayey maxaabiistii kale ayay qaar ka mid ahi isku dayeen inay baxsdaan. Maxaabiistaas ayaa fuushay derbiga berkadda biyaha ee dhinaca Shentaraale ee xabsiga waxaana xabbadu ku ridey ciidanka xabsiga ilaalinayey ee kor saarnaa.
Dagaalka ayaa sii kululaaday maxaabiistii dagaallameyseyna waxaa laga diley Liiban Waarikow waxayna dib ugu laabteen oo ay difaac ka galeen qolka 10aad markaas ayay qolka 10aad ku dileen saddex maxbuus oo kale oo lagu kala magacaabey:,
Haddii aan warbixin faahfaahsan idinka siinno maxbuuska la oran jirey C/Salaan ayaa isagu ka tirsanaan jirey Hay’adda NISA wuxuuna sidoo kale ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab isagoo gacan ka siiyey falal badan una gudbiyey macluumaad fara badan. Si aan looga shakin C/Salaan wuxuu saaxiib la ahaa oo uu guri la degganaa Janaraal Tuuryare intii aan taliyaha hay’adda laga dhigin. Cabdisalaan ayaa ka shaqayn jirey qaybta kaydinta xogta ee NISA wuxuuna Al-Shabaab u gudbiyey gebi ahaanba liiska & macluumaadka shaqaalaha hay’adda, taas ayaana kadib horseedday in xubno Al-Shabaab ka tirsan laga soo ogaado dhaqdhaqaaqa & hawsha uu C/Salaan ku jirey.
C/Salaan intii aan la xirin wuxuu saaxiib dhaw la noqday mid ka mid ah gacanyareyaashii Mudane C/Kariim Guuleed xilligii uu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga, gacanyarahaasoo aan hadda magaciisa ku soo koobeyno Liibaan. C/Salaan wuxuu jahawareer ka dhex abuuray guriga C/Kariim isagoo mid ka mid ah ilaaladiisa oo uu isagu si gaar ah u dhibsaday ku tilmaamay inuu ahaa Al-Shabaab, sarkaalkaasoo muddo la xiray kadibna la soo daayey markii la ogaadey inuusan dembi lahayn. C/Salaam wuxuu qorshaynayey oo damacsanaa inuu qorshe ka dhex fuliyo Wasaaradda Amniga & hoyga C/Kariim, taasoo laga hortegey markii isaga gacanta lagu dhigay. Wuxuu ahaa nin aad u afgaaban qofkii u fiirsadana wuxuu wejigiisa ka dareemi karayey inay masxkaxdiisu aysan hay’adda joogin.
Wuxuu bedbeddeli jirey taleefoonnada iyo baabuurta isagoo xoogaa ka dibba kuwo cusub la soo bixi jirey. C/Salaan waxaa 2014tii lagu xukumay xabsi daa’in, intii uu xabsiga ku jirey ayuu la saaxiibay labada xubnood ee ahaa Daacishka ee isaga lala diley, taas ayaana keentay inay saaxiibbadiisii hore ee Al-Shabaab ay dilaan maadaama ay u arkeen inuu yahay khayrlaawe ku noqday cadow lana saftay koox ay iska soo horjeedaan.
Haddii aan dib ugu laabanno halkii aan mareyney iyo kadib dilkii C/Salaan iyo saaxiibdiisii Daacishka ahaa ee qolka 10aad lagu wada diley waxaa soo xoogeystey gurmadii dowladda ee ciidanka xabsiga soo garab istaagey waxayna ugu dambayn kuguuleysteen inay hawlgalkii lagu laynayey kooxdii Al-Shabaabka ahayd ee weerark fuliseya la soo idleeyo.
Guud ahaan khasaaraha ka dhashay weerarkaas ayaa ahaa ina dhanka ciidanka ka dhinteen 4 ruux iyadoo 2 ay ka dhaawacantay. Khasaaraha maxaabiista soo gaarey ayaa gaarayey 15 dhimasho ah iyo dhaawac 7 qof ah. Waxaa intaa wehliyey dhimashada 1 qof oo shacab ah oo ahaa dhibbanihii uu Mubaarak markii uu sii baxsanayey dekadda agteeda ku diley.
Maxaabiista ku dhimatay dhacdadii weerarka ee xabsiga ka dhacday 10/08/2020 ayaa ahayd 15 ruux oo magacyadoodu kala ahaayeen:
Dowladda Federaalka ah ayaa guddi wasiirka Caddaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guuto Cabdi Xasan Maxamed ay ku jiraan iyo guddi farsamo oo ka dhinac shaqaynayey u saartay inay soo baaraan weerarkii Xabsiga Dhexe ee Xamar.
Waxaa la soo eedeeyey xubno badan oo iskugu jirey 19 ciidan ah, 7 shacab ah iyo 12 maxaabiis ah. Waxaana ay magacyadoodu kala yihiin sida soo socota:
CIIDANKA
MAXABIIS EEDEYSANAYAASHA AH
SHACAB
Weli faahfaahin lagama bixin lamana soo bandhigin warbixin lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan ciddii gacanta ka geysatey weerarka iyo wax ciqaab ah oo ay mutaysteen. Waxaa keliya oo shaqada laga joojiyey taliyihii xabsiga dhexe Gaashaanle Sare Aadan Xuseen Kulmiye wuxuuna beddelkiisa si kumeelgaar ah u magacaabay inuu Sareyo Guuto Daahir C/laahi Raage noqdo taliye-kusimaha xabsiga, waxuuna afhayeen u hadlay ciidanka Asluubtu oo lagu magacaabo G/Sare Cabdiqani Maxamed Khalaf sheegay inay dib ka soo gudbin doonaan wixii macluumaad dheeri ah.
Waxaa muuqata inuu jirey dayac masuuliyadeed, la shaqayn Al-Shabaab iyo masuuliyadarro dabasocotey oo ah inaysan dowladdu Ummadda Soomaaliyeed ka siin warbixin waafi ah weerarkaas sidii caadadu ahayd oo intii weerar dalka soo martay caasimadda aan warbixin sugan oo lagu kalsoonaan karo shacabka lala wadaagin.
Waxaa muuqata inay Al-Shabaab wixii ay rabaan ay sameeyaan oo aan cidina dabagelin.
Waxaana muuqata in Dowladda Madaxweyne Farmaajo ay ku fashilantay sugidda amniga Caasimada.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments