Hadafka Kenya inay Axmed Madoobe kursiga ku ilaaliso

Maqaallo Keydmedia Online

Oktoobar 16, 2011, Kenya ayaa kusoo duushay Soomaaliya, iyadoo mar-marsiiyo ka dhigatay inay baacsanayso Al-Shabaab, sidaasna ugu xad-gudubtay madaxbanaanida dalka iyo qaranimada.

Hadafka Kenya inay Axmed Madoobe kursiga ku ilaaliso

Madaxweynihii xilligaas, Sheekh Shariif Axmed, ayaa yiri: “Dawladda Soomaaliya iyo shacabkeedu marna ma aqbali doonaan faragelinta Kenya”. Laakiin, hadalkiisa waxba kama bedelin qorshaha Kenya.

Duulaanka sharci darada ah ee Kenya kusoo qaaday Soomaaliya ma ahayn mid kadis ah. Waxay ahayd siyaasad sifiican looga fekeray oo ah gumeysi dadban, oo hadafkiisu ahaa in si aan toos ahayn loo xakameeyo nolosha, siyaasadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya, waa sida ay Itoobiya kusoo gashay dalka. 

Kenya waxay waxba kama jiraan ka dhigtay madax-bannaanida Soomaaliya, gaar ahaan midda dhuleed, waxaana u cad kheyraadka dabiiciga ah ee ku jira dhulka iyo badda. Si ay gaarto himilooyinkaas, Kenya waxay u baahnayd weji Soomaali ah, oo u fuliya qorshooyinkeeda.

Waxay heshay Kenya lamaane daacad u ah, Axmed Madoobe, oo kamid ahaa argagixisadda dalka burburisay, ee haddana ka shaqeyn la’ dawladda Soomaaliya, oo isbaaro u dhigatay, isagoo u adeegaya danaha Kenya.

Ciidanka Kenya waxay gumaadayaan shacabka Jubbooyinka, waxay hay’adaha xuquuqda aanaha ku eedeeyaan inay geysteen kufsi, dilal sharciga ka baxsan iyo barakicin, iyagoo diyaaradaha ku garaaca Shacabka.

Qodobada ugu khatarta badan ee qorshaha Kenya

Midda hore, sidee ayay Kenya si daacadnimo leh u oran kartaa waxaan doonayaa inaan ka adkaado Al-shabaab, iyadoo ay Ciidamadeedu gacanta kula jiraan ​​ka ganacsiga dhuxusha sharci darrada ah ee Koonfurta Soomaaliya?  

Ka ganacsiga dhuxusha ayaa ah isha aasaasiga ah ee Al-Shabaab ay ka hesho dhaqaalaha, waxaana warbixin sir ah oo ay soo saartay Qaramada Midoobey ku sheegtay in askarta Kenya ku lug leeyihiin ganacsiga suuqa madow.

Tan labaad, Kenya waxay dooneysaa inay ka dhisto derbiga xadka dhererkiisu yahay 700-KM gudaha Jubbaland. DFS waxay si adag uga soo horjeesatay darbiga oo xadgudub ku ah madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya, laakiin Kenya way sii waday dhismaha.

Midda saddexaad, qabaa'ilka asaliga ah ee reer Jubbaland, oo si wadajir ah u ah tirada ugu badan, waa la takooray.

Mida afaraad, Kenya waxay dooneysaa inay ku darsato 62,000-square-mayl oo ah dhul-badeedka Soomaaliya, oo ku yaallo Jubbaland, maadaama u uku jira shidaal.

Soomaaliya iyo Kenya waligood iskuma qaban muran xuduudeed badeed tan iyo markii ay labaduba xorriyadda qaateen horaantii 1960s. Laakiin ka dib markii Kenya ay dejisay Hindisaheeda Jubbaland ayna ku soo duushay koonfurt Soomaaliya sanadkii 2011, waxay bilowday inay sheegatayo dhul-badeedka Soomaaliya ee Jubbaland

Kenya oo ku guuleysatay Kiiska Badda, sidee?

August 2014, Madaxweynihii Soomaaliya ee xilligaas, Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu dacwad ka dhan ah Kenya ka billaabay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ee la xiriirta "muranka xuduuda Badweynta Hindiya." Madaxweynaha hadda ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sii waday dacwadda kiiska badda, laakiin Kenya waxay u degtay shirqool u hirgelay, iyadoo codsatay in dib loo dhigo dhowr jeer dhageysiga dacwadda, taas oo ICJ ay oggolaatay.

Istaraatiijiyadda Kenya ayaa ah inay si isdaba joog ah u raadsato dib u dhigis illaa Villa Soomaaliya uu ka imaanayo Madaxweyne oo saxiixi doona heshiis Soomaaliya uga tanaasulayso sheegashada dhul-badeedka ku teedsan Jubbaland, halkaasoo Kenya horey shirkado heshiis ugula gashay inay shidaal kasoo saaraan.

Soomaaliya waxay u guuleysan la’dahay waa khiyaanada gudaha oo ay ku sameynayaan dalka shaqsiyaad muuqaal Soomaali leh, laakiin maskax shisheeye ku shaqeeya. Dadka Soomaaliyeed waa inay ku buraarugsanaadaan dhagarta Kenya iyo kuwa daba-dhilifka ah, islamarkaana gacanta is-qabsadaan, si ay uga hortagaan siyaasadda foosha xun ee Kenya iyo dalalka kale ee lugooyadda ku haya dalka.

Shacabka Soomaaliyeed waa inay ilaashadaan madaxbanaanida dalkooda, iyagoo dalbanaya in si buuxda oo shuruud la’aan ah looga saaro Ciidamada Kenya dhulka Soomaaliya. Intaa waxaa dheer, in saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah ay joojiyaan inay indhaha ka qarsadaan xadgudubyada faraha badan ee Kenya ay ku hayso Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.