Doorashadii Qoorqoor kadib, Galmudug: Xero Qof leeyahay

Faallo Keydmedia Online

Waxaa jira isbedelo badan oo ka dhacay Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb kadib markii Maamulkii Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo muddo dheer halkaasi maamulayey looga saaray qaab siyaasadeed iyo awood ciidan oo wadajira.

Doorashadii Qoorqoor kadib, Galmudug: Xero Qof leeyahay

Hasa yeeshee intii uu jiray Maamulkii ASWJ waxa ay dagaalo dhiig badan uu ku daatay ay la galeen Al-Shabaab, kadibna Al-Shabaab ay ka rajo dhigeen inay awood ku maquuniyaan maamulkaasi taa bedelkeeda ASWJ waxa ay nabadgelyo ka dhigeen deegaanadii ay gacanta ku hayeen inkastoo maamulkaasi lagu dhaliili jiray inay caqabad ku ahaayeen dhismaha Maamul loo dhan yahay ee Galmudug.
 
ASWJ isfaham hoose oo ay la gaareen DFS ayaa sababatay in meesha uu  ka baxo heshiiskii ay kula midoobeen Maamulkii Galmudug ee Madaxweyne Xaaf waxaana is afgaradkaa ka soo baxay in Maamulkii ASWJ ay albaabada u furaan Masuuliyiinta ugu sarreysa Dalka iyo Ciidamo laga soo daabaulay Magaalada Muqdisho sabab kasta ha loo sameeyo keenista Ciidamadaa, dhinaca kalana waxaa la kala furfuray Ciidamadii daacadda u ahaa Hogaankii ASWJ qaarkoodna laga dhigay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Dawladda FS.
 
Dagaal kooban oo uu dhiig ku daatay kadib waxa ay sababtay in meesha laga saaro Hogaankii ASWJ, ciidamadii u dagaallamayey DFS ee meesha ka saaray ayaa ahaa maleeshiyaadkii Xamar laga soo daabulay.
 
Intaa kadib waxaa la qabanqaabiyey doorashada maamulkii hogaamin lahaa Galmudug inkastoo musharixiintii ugu cadcaddaa doorshada ay isaga baxeen kadib markii ay DFS si toos ah faraha ula gashay doorashada iyadoo taageero dhinac kasta ah oo aan qarsoodi ahayn u muujisay Madaxweynahahaatan ku magacaaban Galmudug ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
 
Muddo kooban kadib markii la magacaabay Golaha Wasiirada Galmudug waxaa la saadaalinaay mar haddii laga gudbay kala qaybsanaantii Galmudug in Qoorqoor uu jihada wax u wado ay noqon doonto dhanka rabitaanka shacabka Galmudug balse taasi hadda ma muuqato sababahan dartood:
 
Waxaa Caasimada Galmudug dhawaan la keenay Maleeshiyaad Xamar diyaarad laga soo saaray oo xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb lagu aruuriyey si ay cabburiyaan koow siyaasiyiin ay dhici karto in ay dhaqdhaqaaq ka abuuri karaan Galmudug siiba kuwa u dhashay Dhuusamareeb.
 
Tan labaad in ay u cagujugleeyaan diidamada lagala hor yimid hubkii ASWJ ay lahaan jirtay oo aan iyadoo wax heshiis beeleed ah aan laga gaarin wareejinta hubkaasi uu Qoorqoor isku dayey inuu si fudud ula wareego, waxaana sababta uu mar kale Qoorqoor Xamar uga dalbaday maleeshiyaad taasoo dad badan xasuusisay weerarkii lagu qaaday Xaruntii Inji ee fariisinka u ahayd Maamuulkii ASWJ ee dhiiggu ku daatay, waxaana cabsi laga muujiyey in maamulkii ay dad badan u han weynaayeen uu sababo dagaal.
 
Waxaa is casilay Taliyihii Ciidamada Madaxtooyada oo ka didsanaa siyaasadda gurracan ee Qoorqoor, taa baddalkeedna uu Qoorqoor hoggaanka ciidanka Xamar laga keenay uu ka dhigay mid ay qaraabo yihiin taasoo kuu muujinaysa sida uusan kalsooni ugu qabin ciidanka Galmudug. 
 
Waxaa dhacay dagaallo ay Al shabaabku ku doonayaan in ay dib ula wareegaan deegaanno mar hore gacantooda laga saaray waxaan intaa dheer in Garoonkii diyaarada Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb hub lagu soo riday.
 
In xilligan ay Al-shabaab dib u soo haweystaan qabsashada Deeganadii mar hore gacantooda laga saaray (toban sano ka hor) waxaa u sabab ah ayaa la oran karaa waxaa meesha ka baxay dadkii ay Alshabaabku deeganadaa uga baqi jireen ee ASWJ iyo Maamulka Galmudug ee uu Qoor-Qoor Madaxda ka yahay oo aan dan ka lahayn ama uusan daacad ugu adeegayn Maamulka .
 
Waxaana dad badan ay aaminsan yihiin in Axmed Qoor-Qoor uu meesha u joogo fulinta dano siyaasadeed oo ay leeyihiin Madaxda ugu sareysa DFS gaar ahaan Farmaajo iyo isaga oo halkaasi ku ilaashanayo danahiisa qaaska ah balse uusan u soo jeedin u shaqaynta shacabka Galmudug.
 
Dagaal beeleedkii ka dhacay deegaanka Qalanqaale oo ku dhaw Magaalada Dhuusamareeb Madaxweynaha Qoorqoor iska dhaaf inuu nabadayn ka dhex sameeyo beelaha dagaalamay xitaa kama hadlin, maxaa yeelay, in uu madaxweyne Galmudug u yahay ka sokow labada beel ee daagalay mid ka mid ah ayuu ka dhashay Qoorqoor. 
 
Inkastoo qodobkan uusan si gaar ah u qusayn Qoorqoor haddana waxaa dhankooda sida Qoorqoor oo kale iska seexday Guddigii Beelaha dagaallamay iyo Guddigii uu madaxda u ahaa Prof. Shirwac kuwaa oo laga doonayay mar haddii Madaxweynihii Galmudug hawshaasi aysan u muuqan in iyagu ay doorkooda qaataan kana shaqeeyaan heshiisiinta beelaha Dagaallamay.
 
Sideed Bil kadib marka laga soo tago xafladaha iyo safarrada Qoor-Qoor xaggee bay Galmudug joogtaa? Qoorqoor muxuu qabtay? Ka muhimsane, Galmudug xaggee ku socotaa?  
 
Madaxweyne Qoor-Qoor waxaa inta badan waqtigiisa uu ku mashquulsan yahay siyaasadda Dawladda dhexe isagoo u muuqda in uu yahay nin xasaanad u leh dalaalnimada danaha gaarka ee Madaxweyne Farmaajo.
 
Marka laga si hagaagsan looga fekero ajandaha Qoorqoor ee Galmudug uma muuqdo mid ka turjumaya danaha dadka deegaanka Galmudug, balse waxa uu noqday shaqaale gaar ah oo ka shaqeeya danaha Farmaajo uga xiran Galmudug.
 
Qodobka ugu weyn ee sida gaarka ah isha loogu hayo ee Qoorqoor uu ka shaqaynayo ee uu u iloobay Danahii kale ee shacabka Galmudug ayaa ah sidii Galmudug ay uga soo bixi lahaayeen Xildhibaanno taabacsan Farmaajo oo dib u soo doorta.
 
Dhinaca kale, Xildhibaannada baarlamaanka Galmudug ma yeelan fadhiyo macno ku fadhiya, waxaana arrinkaasi hor taagan Madaxweyne Axmed Qoorqoor oo dantiisa ka dhex arkay, waxaana kulan ay yeeshaan Xildhibaanada Galmudug ugu horraysay uguna dambaysay fadhigii ay ku doorteen Qoorqoor oo markaasi aysan jirin murashaxiin nuxur leh oo la tartamay iyadoo taa bedelkeeda goobta la keenay murashixiin malxiisayaal ah.

Dhiniciisa waxaa eedda wax ku leh Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo aan oggoleyn in lala xisaabtamo, dhankooda xildhibaannada Galmudug ma fahmi karo inay aqoon darro ka tahay iyo inay tahay  ku talagal ma jiro xildhibaanno ka hadlay waxa hor taagan shaqadooda.
 
Tallaabooyinka uu qaaday Madaxweyne Qoorqoor haddii aan maanta lagula xisaabtamin ma jiri doonto waqti kale oo lala xisaabtami doono Sida ay hadda ku socoto Galmudug waxa ay noqotay xero qof leeyahay.

Xuseen Yuusuf Cali
galmudugstate@gmail.com




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.