HirShabelle waxaa ka socda doorasho Qaran-Dumis

Faallo Mohamud M Uluso

Doorashada ka socota DG Hirshabelle waxay ihaano iyo taarikh xumo ku tahay muwaadin kasta Soomaaliyeed, gaar ahaan waxgaradka, siyaasiinta, Madaxda, Wakiillada shacabka, bulshada ra’yidka, warbaahinta, iyo hoggaamiyayaasha dalka.

HirShabelle waxaa ka socda doorasho Qaran-Dumis

Doorashada Hirshabelle waxay bareysa muwaadiniinta soomaaliyeed in cadaalad darrada, boobka, iyo musuqmaasuqa yihiin dariiqa guusha, haseyeeshe xaqiiqada waxay tahay in doorashada Hirshabelle tahay fadeexo, musiibo taarikhda ku qormi doonta.

Waa qiyaasaya in Madaxweyne Farmajo iyo Agaasimaha Nabadsugidda Fahad Yaasin u haystaan guul taarikhi ah maamulka iyo natiijada doorashada Hirshabelle, haseyeeshe waxay dadka iyo adduunka tusiyeen inay yihiin madax dadkooda iyo dalkooda ku hoggaaminaya sharcidarro, xaqdarro, maamulxumo, musuqmaasuq, iyo xishood la’aan, dhaqammadaas oo ka soo horjeeda dhismaha dowlad, qaran ku tiirsan sharci iyo maamul wanaag, abuuraya kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ku qabo dowladnimada oo aan aheyn shakhsi. 

Ujeedada Madaxweyne Farmajo waxay tahay inuu dadweynaha ku dhirrigeliyo musuqmaasuqa, ku takrifalka awoodda, ku xadgudubka xuquuqda iyo karaamada muwaadin kasta, kana leexiyo ku dhaqanka nidaam waafaqsan xeer, daahfurnaan, iyo dhaqan wanaag. Dhaqankaas waa kii burburiyay qarankii Soomaaliyeed.

Doorasho macnaheedu waa kala xulasho labo iyo ka badan muwaadin ayadoo la marayo habraac tartan furan oo dadweynaha markhaati ka noqon karo. Guddiga doorashada waxaa loo magacaabay in habka doorashada xulashada ah ee odayaal dhaqameedka beelaha loo xilsaaray ay ahaato mid xalaal ah, leh mabaadi iyo habraac daahfuran ee lagu xaqiijinayo habka beesha ku gaareyso xulashada xikdhibaanka matalaya.

Aaladda dowladda u isticmaasho hagaajinta dhaqanka xulashada bulshada waa sharciga iyo habraaca maamulka oo qoran si loo xujeeyo mas’uulka go’aanka la siiyay oo ay mid yihiin odayaasha dhaqanka, kaddibna lagula xisaabtamo, lana baari karo khaladaadka ay galaan. 

Xilka Guddiga doorashada iyo madaxda Dowladda Federaalka wuxuu ahaa in doorashadu noqoto mid daahfuran, dadweynaha iyo warbaahinta la socdaan, hubiyaan, laga hadlo cabashooyinka iyo qaladaadka jira si kor loogu qaata kalsoonida shacabka ku qabato hufnaanta dowladda iyo mas’uuliinta xilka haysa heer kasta. 

Guddi lagu tilmaamay sharcidarro ayaa habeen madow soo saaray liis xildhibanno la sheegay in intooda badan diyaar ahaa 3 bilood ka hor. 

Waa muhiim ah in doorashada/xulashada Xildhibannada, hanuuninta/tababarka Xildhibannada, doorashada guddoonka Barlamaanka, iyo doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka u dhexeeyaan waqtiyo lagu abuuro ku kalsoonaanta natiijooyinka doorashada her kasta. 

Waxaa nasiib darro ah in dhallinyaro badan ee ku lahaa mustaqbal wanaagsan xagga siyaasadda iyo maamulka dowladda lagu maran habaabiyay doorasho xaaran ah, musuqmaasuq ah, lagu qasbay inay damiirkooda iyo xornimadooda fikir ku beddeshaan xil, dhaba-dhilifnimo, munaafaqnimo, isla markaana danaha dadka ay matalaan iyo danaha guud dalka ka hormariyaan danaha qofkii sharcidarrada iyo eexda kursiga ugu boobay.

Kursi Xildhibaan aad ku hesho kartidaada, tartan, dadaalkaada, nasiibkaada, waa fiican yahay dhinac kasta kursi Xildhibaan aad ku hesho  ku takrifal awood iyo doorasho xaaran ee madax dooneysa xukun keligi talisnimo wadato. Waxaa kaloo nasiib darro ah in odayaal dhaqameedka ay qayb ka yihiin cadaala-darrada, fawda, iyo musuqmaasuqa Madaxweyne Farmajo iyo agaasimaha Fahad Yaasin ku doonayaan dhismaha dowlad keligi talis ah, dan ka laheyn dhibaatoyinka faraha badan ee haysta beelahooda. 

Doorashada DG Hirshabelle ka socota waa fadeexo xaaraan ah, waa qaran dumis, waxayna ka mid tahay tusaalooyinka xun xun ee taarikhda ummadda soomaaliyeed lagu xusi doono. 

Taarikhda waxay xusi doontaa in waxgarad iyo siyaasiin badan oo xogogaal u ahaa fadeexadda, musuqmaasuqa doorashada Hirshabelle ay ka gaabiyeen mas’uuliyadda ka saarneyd ka hadalka, ka dhiidhinta doorashada xaaraanta ee DG Hirshabelle, kana aamuseen. 

Waxaan qabaa in musharraxyada la odorasayo inay ku faristaan kuraasta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka aysan qabin wax ka bahsan danahooda, madaama qaabta ku kasbadanayaan kuraasta ay u diideyso ilaalinta danaha, wanaagga, midnimada, iyo horumarka shacabka reer Hirshabelle.

Maxamuud Maxamed Culusow




Faallo 20 April 2022 10:00

In maanta halkan lasoo gaaro, oo xildhibaanno la dhaariyo, mas’uulbaa wuxuu ubareeray, inuu dhoho: ”Maya Mudo-Kororsi!!!” iyadoo cid xilka heeysa oo ku dhiirankartaahi jirin.