Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Xasan Sheekh ayaa kulankii ugu horeeyay la yeeshay Madaxda Maamullada, iyadoo Fahad Yaasiin uu Todobaadka bixiyay wareysi hadal-heyn dhaliyay, kala soco macluumaad badan warbixinta Dhacdooyinka Todobaadka Keydmedia Online.

Warar Keydmedia Online
Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

5 June 2022: Dawladda Imaaraatka Carabta ayaa kala hadashay Madaxweyne Xassan Sheekh in safiirka Soomaaliya u fadhin doona Imaaraatka Carabta, laga dhigo RW Rooble. [Halkan ka akhri].

6 June 2022: La-taliyaha amniga qaranka MW Xasan Sheekh ayaa beeniyay warar sheegaya inuu Jabuuti kulan qarsoodi ah kula yeeshay Saraakiisha katirsan Jabhadda TPLF. [Halkan kala soco].

7 June 2022: Musuq-maasuqa awgiis, Soomaaliya waxay noqotay dalka lacagta ugu badan lagu aado Xajka, iyadoo qiimaha sanadka oo labbo-jibbaar ka badan yihahay kii hore. [Halkan ka akhri].

8 June 2022: Fahad Yaasiin ayaa fariin usoo diray Xubnaha isaga daacadda u ah ee ku jira NISA, kuwaasoo sir badan ka haya kadib markii Mahad Salaad xafiiska la wareegay. [Halkan ka akhri].

9 June 2022: Al Shabaab ayaa sanadihii ugu danbeeyey qaabileysay dad usoo raadsanaya garsoor caddaalad ah kadib markii musuq-maasuq uu hareeyay Maxkamadaha dalka. [Halkan ka akhri]. 

10 June 2022: Xaaladda abaarta ayaa meel halis ah mareysa, oo u baahan jawaab bani'aadminimo oo deg-deg ah, waxaana arintan uu MW Xasan Sheekh u dejiyay qorshe cusub. [Halkan ka akhri]

11 June 2022: Dowladda Itoobiya ayaa lumisay saamigii 19% ee Dekadda Berbera, kadib markii ay buuxin waysay shuruudihii laga rabey, oo ay ku jirto dhismaha jidka Wajaale. [Halkan kala soco]

12 June 2022: Fahad Yaasiin ayaa wareysiha cusub ku xaqiijiyay jiritaanka xog ay KEYDMEDIA baahisay sanadkii hore, taasoo bulshadda u iftiimisay wax badanoo mugi uga jiray. [Halkan ka akhri].

Wararkii ugu dambeeya waxaa kamid ah Shirka Xasan Sheekh iyo Madaxda Maamullada ee Maalintii 2aad ka socda Villa Somalia, kaasoo saacado kadib lasoo afjarayo, iyadoo laga soo saari doono War-murtiyeed wadajir ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.