KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Madaxweyne Farmaajo ayaa iska indha tiray baaq ku aadanaa in inuu caddeeyo xaaladda la xariirta dhalinyaradii tababarka loo qaaday ee la sheegay in lagu laayay gudaha dalka Itoobiya.
MUQDISHO - Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka ayaa maalintii Isniinta codsi ay u direen Farmaajo, waxa ay kaga dalbadeen inuu aamusnaanta ka baxao oo uu ka jawaabo cabashada kasoo yeereysa waalidiinta Soomaaliyeed ee raq iyo ruux aan meelna ku sheegin curuurtooda.
Guddigaan oo sheegay in ay heleen xog sheegeysa in dhalinyaro Soomaaliyeed lagu dilay gudaha Itoobiya ayaa Famaajo ugu baaqay inuu sheego halka ay dhalinyaraadaas ku sugan yihiin iyo in uu magacaabo guddi dowladda iyo golaha shacabka ka kooban oo soo xaqiijiya noloshooda iyo geeridooda intaba.
Hayeeshee, In ka badan 48 Saac ayaa kasoo wareegtay codsiggii Guddiga, mana jirto wax jawaab ah uu ka bixiyay Farmaajo ama Xafiiskiisa, mana ahan wax cusub in Madaxweynaha uu ka aamuso baaqyadda loosoo jeediyo.
Farmaajo ayaa aamusnaan ku jiray tan iyo markii loo dooraty Madaweynaha, wuxuu warbaahinta ka hor sheegay in uusan ka war qabin dhacdooyin waawayn oo dalka horay dhacay oo ay ka mid tahay dhiibiddii Qalbi dhagax oo loo gacan galiyay wadanka Itoobiya oo hadda la sheegayo in inuu u daabulay dhalinyaro Soomaaliyeed si ay uga qeyb qaataan dagaalo u dhaxeeya labo qabiil.
Taliyaha Nabad sugidda Fahad Yaasiin oo ah qofka daaha gadashiisa ka maamula Farmaajo, kana arimiya xaaladaha masiiriga ah ee dalka ayaa la rumeysan yahay inuu qoray dhalinyaradaan kadibna tababar loogu diray dalka Eritrea, kahor inta aan loo sii gudbin Itoobiya, taas oo keentay markii xaladdu cirka isku shareertay in in Sirdoonada Saddexda waddan ee kala ah Soomaaliya, Itoobiya iyo Eratariya ku ku shireen xarunta uu Fahad dagan yahay ee Maamo Qadiijo Axaddii lasoo dhaafay.
Imaanshiyaha Sirdoonka Itoobiya iyo Eratariya ee magaallada Mugdisho, iyo in waakidiintu sheegeen in caruurtooda aysan la hadlin tan iyo markii la qaaday oo sanad ku dhow, waxa ay muujineysaa in dowladda Farmaajo ay wax weyn qarineyso, taasina ay sababtay in uusan wali ka jawaabin codsigii Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka.
Wasiirka Warfaafinta, Cusmaan Abuukar Dubbe, ayaa 19-kii bishaan sheegay in aysan jirin Askar Soomaaliyeed oo ku lug yeeshay dagaalka Itoobiya hayeeshee ma uusan keenin wax caddeyn ah oo la xariirta nolosha dhalinyarada maqan, wuxuu ka gaabsaday inuu caddeeyo dalka tababarka logu qaaday askartaas.
Dadka sida weyn u bartay habdhaqanka Fahad iyo Farmaajo ayaa saadaalinyay in ay abuuri doonaan xiisad kale oo saameyn leh si ay hoos ugu dhigaan arinta dhaliyaradaan, waxaana xalay Magaalada Muqdisho lagu dilay Guddoomihii dagmada Hodan AUN, Dhagajuun, dilkaas oo aan ilaa hadda kiiskiisu caddaan.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.