Itoobiya oo beenisay in hubka laga dhigay Askar Tigray ah oo jooga Soomaaliya

Hadalkana ayaa kusoo beegmaya xili maalintii shalay uu Farmaajo kula kulmay Villa Soomaaliya la taliyaha amaanka qaranka Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.

Warar Keydmedia Online
Itoobiya oo beenisay in hubka laga dhigay Askar Tigray ah oo jooga Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Jamaaludiin Cumar oo ah safiirka Itoobiya u fadhiya Muqdisho, ayaa beeniyay wararka ku saabsan in Ciidan ay kala baxeen Soomaaliya kadib markii uu billowday dagaalka gobolka Tigray.

Danjire Jamaaludiin ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay warbixin Reuters ay qortay oo ahayd in hubka dhigis lagu sameeyay Askarta kasoo jeeda Tigray ee qeybta ka ah howlgalka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya.

Laakiin wuxuu qiray Safiirka inuu jirto feejignaan iyo ilaalo laga hayo Askarta Tigreegga ah, si looga fogaado isku dhac Ciidanka dhexdiisa, taasoo dhawaan ka dhacday gobolka Tigray ee dagaalka uu ka socda.

Hadalkana ayaa kusoo beegmaya xili maalintii shalay uu Farmaajo kula kulmay Villa Soomaaliya la taliyaha amaanka qaranka Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, isagoo uga mahadaceliyay DF taageeradda howlgalka gobolka Tigray.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.