Walaaca Beesha Caalamka ee hab-dhaqanka Farmaajo

Waxaa looga digay Villa Soomaaliya inay isku soo koobto go'aannada doorashooyinka, taasoo noqonaysa mid sharci-darro ah, oo aan la dhaqan-gelin doonin.

Warar Keydmedia Online
Walaaca Beesha Caalamka ee hab-dhaqanka Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa walaac ka muujiyey isbadallada siyaasadeed ee dalka ka dhacaya, oo ay ku jirto go'aankii Baarlamaanka Federaalka kalsoonida ugala laabtey Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, oo shirqool lagu tilmaamay.

War-saxaafadeed si wadajir ah usoo saareen Maanta ayay ku sheegeen in tallaabooyinka uu qaadayo Maamulka Farmaajo wiiqi karaan dadaallada lagu gaarayo is-afgarad siyaasadeed oo ku saabsan doorashooyin waqtigooda ku dhaca, taasoo aan uu muuqan hadda inay Villa Soomaaliya u diyaar-garowday.

Xilka qaadistii Kheyre ayay sheegeen inay carqaladeynayso ajandaha dib-u-dhiska Soomaaliya, iyadoo ay abuuri karto xasillooni darro dib u celin karta guulihii ilaa iyo hadda la gaaray, ee dhinaca amniga, la dagaalanka Al-Shabaab iyo barnaamijka deyn-cafinta.

Waxay ugu baaqeen Madaxda Soomaaliya inay sameeyaan wadatashiyo ballaaran, si loo gaaro heshiis sal ballaaran oo ku saabsan hanaanka doorashada 2020-2021. Tani waa sababta ay u soo dhaweeyeen go'aannadii ay gaareen hoggaamiyaasha DF iyo Dawlad-gobolleedyada ee Dhuusamareeb 22-kii July, taasoo ah tallaabo muhiim u ah yoolka la hiigsanayo.

Saaxiibada caalamka waxay sheegeen inay filayaan in madaxda ay ixtiraamaan heshiisyadii la gaarey iyo in la qabto shir-weyne ay isagu imaanayaan hoggaanka Dawladda, Baarlamaanka, Maamullada, xisbiyada siyaasadeed iyo Bulshada Rayidka ah, si loo gaaro go'aan kama dambeys ah oo dalka looga bixinayo marxaladda kala-guurka.

Villa Soomaaliya ayaa looga digay inay isku koobto go'aan ka gaarista doorashada, taasoo noqon doonta mid sharci-darro ah, oo aan la dhaqan gelin karin, haddii aan laga helin taageerada lagama maarmaanka ah dhinacyada kale ee saamileyda siyaasadda.

Wakiiladda Beesha Caalamka u fadhiya Muqdisho waxay sheegeen inay si dhow ula socon doonaan tallaabo kasta oo Dawladda qaadeyso, kadib xilka qaadistii Kheyre taasoo dhalisay shaki iyo walaac ku aadan in Farmaajo uu rabo xukunka inuu dheeraysto, isagoo baal-maraya sharciga iyo dastuurka dalka u yaalla.

Ugu dambeyn, Saaxiibadda Beesha Caalamka waxay ku booriyeen Madaxda DF iyo Maamullada inay si deg-deg ah usoo magacaabaan xubnaha guddiga isku-dhafka ah, ee kasoo tala-bixinaya nooca doorasho ee dhici karta, kahor kulanka Dhuusamareeb 15-ka August.

War-Saxaafadeedka waxaa soo wada-saarey: Austria, Belgium, Canada, Denmark, European Union, Finland, France, Germany, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Ireland, Italy, Japan, Kenya, Netherlands, Norway, Organisation of Islamic Cooperation (OIC), Qatar, Spain, Switzerland, Sweden, United Kingdom, United States, iyo UN-ka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.