Ganacsiga Caruurta

Toddobaadyadii u dambeeyay waxaa la arkayay caruur la baafinayo kuwaasoo siyaabo kala duwan uga ambaday xaafadahooda, kaddibna baraha bulshadu ku xiriirto lasoo dhigay baafinta caruurtaas, waa Warbixinta Wariyaha Keydmedia Online ee Muqdisho. 

Warbixin Keydmedia Online
Ganacsiga Caruurta

Caruurta la baafinayo intooda badan waxay ka yar yihiin da’da Qaan-Gaarka loo yaqaan inkastoo ay jiraan kuwa ka yara sarreeya da’daas oo iyagana la baafinayo, waxaana dhammaantood dadkii dhalay caruurtaas oo walwal xoog lihi uu ka muuqdo ay raadin ugalaan caruurtooda, qaar iyaga kamida ayaa waxay isticmaalaan makaroofano codad lagu duubo waxayna kula wareegaan xaafadaha ku dhaw dhaw halkii ay kasoo ambadeen, qaar kale ayaa iyaguna waxay ogeysiis baafin ah geystaan idaacadaha maxalliga ah ee ka howl gala Magaalada Muqdisho kuwaasoo u baafiya waalidiinta caruurtooda, sidoo kale qaar waalidiinta kamida ayaa baraha bulshada soo dhiga baafinta ubadkooda.

Si kastaba ha ahaatee toddobaadyadii u dambeeyay waxaa bulshada dhexdeeda ku badnaa hadal hayn ku aaddan in caruurta la iibsado, taasina waxaa sababtay kaddib markii la qabtay laba wiil oo dhallinyaro ah kuwaasoo lagu eedeeyay in ay caruur kasoo xadeen degmada Afgooye.

Sida Keydmedia Online ay ka ogaatay Booliska Labadaan Nin ayaa caruurta si xeeladeysan uga soo watay halkii ay dagganaayeen, waxaana caruurta aqoonsaday qof kamida daka deegaanka ah, kaddib markii la weydiiyay caruurta halka ay u wadaan ayey isku dayeen in ay baxsadaan, waxaana ugu dambeyntii la qabtay labadii dhallinyaro iyadoo lagu wareejiyay ciidamada booliska.

Arrintan oo lagu shaaciyay baraha bulshada lana soo dhigay muuqaalada labada dhallinyaro ayaa waxay kor u sii qaadday walaacii waalidiinta ubadkooda kala baqaya in ay u gacan galaan dadkan aan la qoon halka ay u wadaan, waxaa la weydiiyay su’aal ah caruurta halka ay geeyaan waxayna sheegeen in caruurta ay u geeyaan dad kale kuwaasoo ku bixiya lacag halkii cunug!

Si dhaba looma oga halka caruurta la geeyo, mana ahan markii ugu horreysay ee la qabto qof ku shaqeysanaya xirfadda caruur xadidda, waxaana dhowr sano kahor la qabtay sidan oo kale Gabar sheegtay in caruurta ay geyso meel u dhaw garoonka diyaaradaha muqdisho gaar ahaan xerada Xalane xaafadaha u dhaw iyadoo aan ogeyn halka loo wado caruurta balse iyada uun laga iibiyo cunuggii ay keento.

Dadka qaar ayaa aaminsan in caruurta la xado la geeyo meel ka baxsan Soomaaliya balse aan la qiyaasi karin dalka sida rasmiga ah loo geeyo caruurta, sidoo kale waxaa jira tuhun kale oo ku aaddan in caruurta xubnaha jirkooda qeyb kamida la doonayo sidaasna loo soo xado, balse tuhunkan isaga ah ma jiraan wax lagu xaqiijin karo suurta-galnimadiisa, waana halis haddiiba ay jirto in caruurtan si loola baxo xubnaha jirkooda qaar kamida darteed loo dilo.

Aamino Cabdi oo la hadashay Wariyaha Keydmedia Online ee Muqdisho, waxay inoo sheegtay iney goobjoog u ahayd Nin xaday gabar yar oo 5 sano jirta, balse ay dadka ku dhaqan degmada Hilwaa qaarkood kasoo dhigeen.

"Aniga ayaa arkay Nin dafay gabar yar, laakiin waxaa qeyliyey caruur la socotay sidaas ayaana looga soo dhigay" Ayee tiri ayadoo u warameyso Wariyaha Keydmedia Online ee Muqdisho.

Sidoo kale, Ifraax Abukar oo iyana ku sugan degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho, waxay inoo sheegtay in wiil deriskooda laga waayey markii dambe laga soo qabtay iyadoo xuduudda Dhoobley ay Labo nin kala gudbayeen.

Dowladda Soomaaliya weli arrintan kama aysan hadlin, kiis ku saabsan caruurtan laxadayo weli dowladdu qofna maxkamad uma aysan soo taagin, walaaca waalidiinta ay qabaana marna kama aysan qancin, sidoo kalena isku day lagu ogaanayo xaaladda dhabta ah ee ku aaddan ariintana ma muuqato, mana jirto hay’ad ama koox si gaara isugu xil saartay dhacdooyinkan oo bulshada dhexdeeda kusii badanaya.

Keydmedia Online waxa ay isha ku haysaa dhacdooyinka bulshada dhexdeeda ka dhaca, waxayna ku guda jiraan xaqiijinta iyo xal u helidda arrintan, waxaan isku dayi doonaa in aan idiin soo gudbinno laamaha amniga iyo doorkooda ku aadan dhacdooyinkan sida ay u gabeen iyo sidoo kale hay’adaha udooda xuquuqul insaanka oo iyagana ka aamusan dhibaatadan kusii baahaysa bulshada dhexdeeda.

Arintaan ayaan wax ka weydiinay Booliska Gobolka Banaadir, laakiin wali ma jirto wax jawaab ah oo aan ka helnay.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.