DFS oo Muqdisho kusoo deysay dhar cad oo u qaab eg Al-Shabaab

Warbixin Keydmedia Online

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho waxa ay kusoo deysay dhallinyaro aad u badan oo ay sheegtay iney Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ka tirsan yihiin, laakiinse waxaa lakala aqoon waayay kuwa ka tirsan Argagixisadda Al-Shabaab iyo NISA, waa Warbixinta Wariyaha KON ee Muqdisho. 

DFS oo Muqdisho kusoo deysay dhar cad oo u qaab eg Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho waxa ay kusoo deysay dhallinyaro aad u badan oo ay sheegtay iney NISA ka tirsan yihiin, kuwaasi oo dhar cad ah misane loo soo wada dhiibay Bistoolado.

Dhallinyaradan ayaa ku daadsan dhammaan degmooyinka magaalada Muqdisho, waa kuwo faduul badan oo shacabka dhiba, sidoo kalena aan waxbo kusoo kordhin ammaanka magaalada.

Fahad Yaasiin oo lahaa qorshaha dhallinyaradan ayaa ulajeedka laga leeyahay kaliya waxay tahay in dadka la tuso iney jirto dhar cad oo ammaanka ka shaqeysay, waxaana dhalinyaradaan lagu soo tababaray dalka Eritrea. 

Fahad Yaasiin oo xiriir dhaw la leh Eritrea ayaa wata qorshahan Ciidanka Sirdoonka dalkaasi loogu soo tababarayo, iyadoo ujeedka uu ka leeyahay lagu sheegay inuu doonayo awoodiisa inuu kusoo ballaariyo Soomaaliya, isagoo adeegsanaya hay'adda Nabad Sugida NISA.

Arrintaam oo dad badan ay la yaabeen ayaa ah in dadka laga dhex aqoonsado askarta dhar cadka ah, sababtoo ah xeerka sirdoon ayaan sidaasi dhigeyn.

Waxa ay buuxaan waddooynka muhiimka ah ee magaalada, kuwaasi oo falal amni darri ka dhacaan habeen iyo maalin, sidoo kale waxa ay fadhiyaan maqaayadaha iyo meelaha ay bulshada ku balanto.

Markii ay qof is af gaaraan, waxay lasoo baxaan Bistooladaha iyaga oo ugu cago jugleeyo.

DHACDOOYIN HALIS AH

Dhallinyaradan bistooladaha loo soo dhiibay ee u muuqa eg Al-shabaab ayaa naftooda halis ku jirta, maadaama ciidanka kale ee dowladda ay isku dhacaan.

Mid ka mid ah dhallinyaradan ayaa dhintay kadib markii ay isku dayeen iney baaraan askari hubeysan, askariga uu u maleeyay in ay Al-shabaab yihiin ayaa rasaas oodda kaga qaaday.

Sidoo kale, waxaa jira dhacdooyin kale oo kuwaan la mid ah oo qabsatay dhallinyarada u muuqaalka eg Al-shabaab ee Bistooladaha inta loo soo dhiibay lagu soo daayey magaalada Muqdisho.

Quburada ammaanka ayaa sheegaya in dhallinyaradan ay halis ku yihiin amniga dalka iyo dadka, haddii aan wax laga qabanna ay dhibaatadu sii badan doonto.

TALOOYINKA QUBURADA AMNIGA

Nuur Maalin Axmed (Magaciisa oo aan badalnay) oo ka mid ahaa taliskii Nabad Sugidda ee Dowladda Maxamed Siyaad ayaa Keydmedia Online u sheegay in la yaab ay ku noqotay markii uu arkay dhallinyaro sheegaysa iney Nabad Sugid yihiin, waddooyinkana ku dhex wataan Bistoolado.

"Aniga Nabad Sugid is sheegta ma aan arag ee waa ay qarsanaan jireen, waxay wataan bistoolooyin meel walbana wey taagan yihiin, iyagii iyo Al-shabaab lama kala garanayo" ayuu yiri Nuur.

Dowladda Farmaajo oo horey u sheegtay iney dhiseyso ciidan Sirdoon oo adag ayaa markii uu waqtiga ka dhammaaday isku keentay dhallinyaro horey uga tirsanaa ciidanka DFS, kuwaasi oo aan anshax la barin islamarkaana magaalada lagu soo dhex-daayay.

ARRIN WEL-WEL AH

Arrinta aadka looga baqanayo ayaa ah in dhallinyaradan ay guryo ku ka kireysteen degmooyinka Muqdisho, waxaana ay geeyaan dadka ay soo qabtaan oo dhallinyarada u badan, kuwaasi oo halkaa ku ciqaaba, waana wax ka baxsan xeerka ciqaabta.

Mararka qaar waxaa dhacda in guryahaasi ay shaqsi isaga haystaan Bil ama ka badan, iyaga oo habeen iyo maalin jir dila, sidoo kalena aan siin qofka raashiin ku filan.

Shari darrada lagu dhaqmayo oo ah mid hoggaanka NISA la og yahay ayaa ah ku xad-gudubka xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed.

Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku sugan magaalada Muqdisho ayaa marka ay maqlaan magaca NISA ama nabad sugid waxaa kusoo dhacaya mooryaantii hoggaamiye kooxeedyada.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.