Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Todobaadkii tagey waxaa burburay Shirkii rajada laga qabay inuu soo afjaro khilaafka doorashadda Soomaaliya, waxaana dalka uu galay marxalad hubanti la'aan ah, kala soco Macluumaad kale Warbixinta Todobaadlaha Keymedia Online.

Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

 5 April 2021: Mareykanka iyo Ingiriiska, oo ka mid ah shanta dowladood ee Gollaha Amniga ku leh codka qaxayan [Veto], ayaa ugu hanjabay dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya inay cunaqabateyn la kulmi doonaan, hadii aysan xal ka gaarin khilaafka doorashadda.

 6 April 2021: Cabdirashiid Xaashi, oo ah agaasimahii hore Machadka Cilmi-barista Heritage, ayaa sheegay in Farmaajo uu soo kordhiyay "sun-siyaasadeed", oo daawadeedu tahay inuu isaga kursiga baneeyo, lana qabto doorasho wadar-ogol ah.

 7 April 2021: Shirkii is af-garadka ahaa ee ka socday Teendhada Afisiyooni oo Farmaajo iyo Madaxda shanta Maamul ajendooyinka uga doodayeen, ayaa kusoo dhammaaday natiijo la'aan, iyadoo dhinac kastaba dhinaca kale uu ku eedeeyay fashilka inuu mas'uul ka yahay.

8 April 2021: Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamd Cabdullaahi Farmaajo, ayay 8-da April u buuxsatay muddo labo bil ah uu sifo sharci darro ah ku joogo Madaxtooyada Soomaaliya, islamarkaana uu diidan yahay inuu xukunka si nadiif ah u wareejiyo.

Dhacdo 2aad: Meydka Labo Carruur ah oo isla dhalatay ayaa laga helay duleedka Baydhabo, waxaana jirkooda ka muuqday dhaawacyo mindi, iyadoo baaritaankii la sameeyay lagu ogaadey inay dishay haweenay eedo u ahayd oo qabo aabahooda oo Xildhibaan hore ah.

Dhacdo 3aad: Waxaa dhamaatay 14-kii maalmood ee Dowladda Kenya u qabatay hay’adda UNHCR inay ku soo gudbiso qorshaha xiritaanka xeryaha Dhadhaab, oo ay ku nool yihiin ina ka badan 200-kun oo Soomaali ah tan iyo wixii ka dambeeyay 1991.

 9 April 2021: Mas'uuliyiinta ugu sarreeya AMISOM, ayaa diiday bixinta mag-dhawga lix ruux oo shacab ah oo Ciidamadoodu ku laayeen Xera-Labaad oo ku taalla degmada Qoryoley ee Gobolka Shabeellaha hoose 2016, sida ay ogaatay Keydmedia Online.

Dhacdo 2aad: Ku dhawaad 90 cisho, oo dabool xoogan la saaray baaritaanka kiiska dilkii guddoomiyihii degmada Hodan, Cabdixakiin Dhagajuun, waxaa hadda isa soo taraya tabashooyinka la xariira kiiska la daboolay.

10 April 2021: Qarax Is-miidaamin ah ayaa ka dhacay Shalay Maqaayad ku taalla Baydhabo, kaasoo lala eegtay gudoomiyaha gobolka Baay oo ka badbaadey, balse waxaa ku dhintay 6 qof oo askar iyo shacab isagu jiray.

Dhacdo 2aad: Qarax Miino ayaa ka dhacay nawaaxiga Warshadii hore ee Xeyle Bariise ee Muqdisho, kaasoo lala eegtay Gaari Saraakiil katirsan Ciidanka Taraafikada ay wateen, waxaana ku dhintay Darawalka Baabuurka.

11 April 2021: Koox hubeysan ayaa Xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodon, Muqdisho ku dishay Korneyl Mahad Cali Cilmi, oo loo yaqaaney [Mahad Dollar], oo kamid ahaa Saraakiisha sare ee Booliska Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.