Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Todobadii maalmood ee lasoo dhaafay wax ahaayeen wararkii ay tebisay KON kuwa xambaarsanaa xogo iyo macluumaad kala duwan oo siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha ku saabsan, di uga akhriso warbixinta Todobaadlaha Keydmedia Online.

Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

31 October 2021: Gollaha Wasiiradda RW Rooble ayaa xilkii ka qaadey Maxamed Aadan Koofi, agaasimihii hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, waxaana lagu bedelay shaqsi saaxiibtinimo lagu keenay booska. [Kasii akhri halkan].

1 November 2021: Keydmedia waxay daabacday warbixinta gaar ah, oo kusoo bandhigtay Macluumaad ay ka heshay halka uu ku dambeeyay Kiiskii Ikraan Tahliil. [Kasii akhri halkan].

RW ku-xigeenka Mahdi Guuleed ayaa si musuq-maasuq ah ugu soo baxay Kursi uu boodey, oo aan Beeshiisu lahayn, kaasoo hadda dood adag ka taagan tahay. [Kasii akhri halkan].

2 November 2021: NISA ayaa kordhisay dhibaatadii ay ku haysay Ganacsatada Muqdisho, oo bixiya lacag baad ah, oo madaxa dowladda wax ka qaban waayeen. [Kasii akhri halkan].

Fahad iyo Farmaajo ayaa ku dhaqaaqey tallaabo halis ku ah Musharixiinta iyo Siyaasiyiinta kasoo horjeeda, gaar ahaan kuwooda ku sugan magaaladda Muqdisho. [Kasii akhri halkan].

3 November 2021: Diyaarad sida lacag ku jirta boorsiiyinka oo ka timid Qatar, islamarkaana uu la socday Fahad Yaasiin ayaa kasoo degtay Garoonka Aadan Cadde. [Kasii akhri halkan].

Axmed Madoobe ayaa wali Kismaayo oo xoog ku qabsadey 2012 kawada beegsiga iyo ugaarsiga siyaasiyiinta isaga kasoo horjeeda, ee u arko inay kursigiisa u jeedaan. [Kasii akhri halkan].

4 November 2021: KON ayaa macluumaad hoose ka heshay diyaarado drones ah oo NISA ku qabatay Garoonka diyaaradaha Muqdisho, kuwaasoo laga keenay Turkey. [Kasii akhri halkan].

DF ayaa 7 maalin ku amartay inuu Muqdisho uga baxo ku-xigeenka Wakiilka Midowga Afrika Simon Mulongo, kadib markii uu ku dhaqaaqay wax ka baxsan sharicga uu ku joogo dalka. [Kasii akhri halkan].

5 November 2021: Dowladda Sweden ayaa dhalashadii kala noqotay Siyaasi Soomaali ah, oo inta badan bulshadda taqaano, oo horey xilal dalka uga soo qabtay. [Kasii akhri halkan].

Dib u dhaca joogtada ah ee doorashadda dalka Soomaaliya ayaa sababay hubanti la'aan siyaasadeed, waxaana ay niyad-jebisay dowladihii Beesha Caalamka. [Kasii akhri halkan].

6 November 2021: Mareykanka ayaa 6 milyan oo dollar duldhigay madaxda sare ee Al-Shabaab, kuwaasoo uu kamid yahay Axmed Cumar Abuu Cudeyda. [Kasii akhri halkan].

Xog dheeri ah ayay KON ka heshay diyaaradaha drones-ka ee lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde 3-dii Nov, halka ay ka yimaadaan iyo inay kusii jeedaan Daacish. [Kasii akhri halkan].

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.