Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Todobaadkii tagey, Soomaaliya waxaa ka dhacay dhacdooyin siyaasadeed iyo kuwa amni darro, waxaana ugu weynaa heshiiskii Farmaajo iyo Rooble iyo doorashadii Kismaayo, kala soco macluumaad dhameystiran warbixinta Todobaadlaha Keydmedia Online.

Warbixin Keydmedia Online
Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

17 October 2021: Beesha Caalamka iyo Mucaaradka, ayaa Rooble cadaadis ku saaraya inuu doorashada soo gabagabeeyo ka hor dhamaadka sanadkaan 2021. [Halkan kasii akhri].

Villa Somalia ayaa u dabaal-degta go'aankii ICJ, kaasoo dad badan ay aaminsan yihiin inaysan jirin wax loo mashxaradeeyo, maadaama 12 mile la siiyay Kenya. [Halkan kasii akhri].

18 October 2021: Madaxweyne Lafta Gareen ayaa xilkii gudoomiyaha G/Shabeellaha Hoose ka qaadey C/qaadir Nuur Sidii oo mudo kooban xafiiska joogey. [Halkan kasii akhri].

19 October 2021: Mas'uul katirsan DF ayaa sheegay in xeebaha dalka wali ka socdo kalluumeysi sharci darro ah, oo wasaaradda Kalluumeysiga fududeynayso. [Halkan kasii akhri].

Cali Xarbi ayaa qorsheynayay inuu dilo Xildhibaan kale, kahor inta uusan dooran dilka Sir Devid Amess, oo mudo dheer kamid ahaa Baaramaanka UK, sida la ogaadey. [Halkan kasii akhri].

20 October 2021: KON ayaa ogaatey in Fahad Yasin ayaa sare u qaadey beegsiga iyo dilal qorsheysan ku leynayo xubnaha NISA, ee wax ka ogaa dilkii Ikraan Tahliil. [Halkan kasii akhri].

Walaac weyn ayaa laa muujinayaa musuq-maasuq lagu sameeyo doorashadda Gollaha Shacabka, oo kuraastiisa 275 tartankii ugu adag loogu jiro sanadkan. [Halkan kasii akhri].

21 October 2021: Kulan uu dhexdhexaadiyay Lafta-Gareen ayaa xarunta Villa Somalia waxaa ku yeeshay Farmaajo iyo Rooble oo khilaaf xooggan ka dhaxeeyay [Halkan kasii akhri].

22 October 2021: Labo bil kadib, AMISOM ayaa si rasmi ah u qaadatey mas'uuliyadda dilka shacab ah oo ay Ciidanka Uganda si arxan darro ah ugu laayeen Golweyn [halkan kasii akhri].

Taliyihii hore ee NISA Fahad Yasin ayaa dhaqan aan horey looga baran ka wada Suuqa Bakaaraha, ee magaaladda Muqdisho, oo ganacsi xoog leh uu ka jiro. [Halkan kasii akhri].

Waxaa la shaacisay qodobadii ay ku heshiiyeen Farmaajo iyo Rooble, waxaana soo ifbaxay in labada dhinac midkooda adkaadey, iyadoo la qariyay Kiiska Ikraan. [Halkan kasii akhri].

23 October 2021: Taliyeyaal sare iyo askar badan ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay magaaladda Guriceel, kaasoo u dhaxeeyay Ciidanka dowladda iyo Ahlu Sunna. [Halkan kasii akhri].

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.