Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Todobaadkii tagey, wuxuu Farmaajo 2021 kusoo gabagabeeyay isku-day kale oo afgembi, kaasoo abuurey isku duubno iyo kacdoon xoog leh oo Muqdisho ka socda, wararkii ugu waaweynaa ee ku dhaafey, kala soco Warbixinta Todobaadlaha Keydmedia Online.

Warbixin Keydmedia Online
Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

27 December 2021: MD hore Farmaajo ayaa sameeyay Todobaadkii tagey isku day uu ku doonayay inuu dalka ku afgembiyo markii labaad mudo sanad gudihiisa. [Halkan ka akhri].

28 December 2021: Farmaajo markuu fashilmay inqilaabka wuxuu billaabey shiqoollo lagu dilayo xubno katirsan Xukuumadda Rooble, Saraakiil Ciidan iyo Mucaaradka. [Halkan ka akhri].

Mareykanka ayaa ku amray Farmaajo inuu la shaqeeyo Rooble, islamarkaana uu joojiyo qaska uu kawado Soomaaliya, taasoo sababi kara in xayiyaarado lagu soo rogo. [Halkan ka akhri].

29 December 2021: Xogo Sir-doon oo soo baxaya ayaa sheegaya in hoggaanka hay'adda NISA, uu hoygii uu xabsi-guriga ku ahaa kala baxay Mukhtaar Roobow. [Halkan ka akhri].

Farmaajo ayaa u yeertay Qoor-Qoor si uu uga bixiyo culeyska soo wajahay, ee uga yimid xafiiska Rooble, kaasoo ka dhashay fashilka afgembiga uu sameeyay Dec 27. [Halkan ka akhri].

30 December 2021: Sheekh Shariif iyo Xasan Cali Khayre ayaa ciyaar cusub oo siyaasadeed ka billaabey Muqdisho, iyagoo bedelay mowqfikii hore ee doorashadda. [Halkan kasii akhri].

Booliska Soomaaliya ayaa looga digay inuu ku milmo siyaasadda, islamarkaana noqdeo mid hal dhinac [Farmaajo] u adeega, taasoo laga digay khatarta ka imaan karta. [Halkan kasii akhri].

31 December 2021: Kadib inqilaabkii fashilmay ee Farmaajo sameeyay, waxaa soo if baxay damiciisa ku aadan inuu doonayo, inuu dalka ku qabsado awood ciidan. [Halkan kasii akhri].

Bulshada Banaadir ayaa afka furatey, waxayna sheegtay in iyadoo Farmaajo Villa Somalia dhex fadhiya aysan dalka Soomaaliya ka dhici karin wax doorasho ah. [Halkan kasii akhri].

1 January 2022: Sanadkii tagey ee 2020 maxay Soomaaliya ku xasuusan doontaa dhinac walba, siyaasadda, amniga iyo dowlad-dhiska oo mudo 21 sano socday. [Halkan kasii akhri].

Farmaajo waxay u badan tahay in qasab looga soo saaro Madaxtooyadda marka la eego ficiladiisa aan loo sii dulqaadan karin, waxaa sidaasi sheegay cilmi-baare. [Halkan kasii akhri].

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.