Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Todobaadkan waxay Keydmedia tebisay warar iyo xogo xasaasi ah oo xaaladda Soomaaliya ku saabsan, hadii ay ku dhaafeen kala soco Warbixinta Todobaadlaha Keydmedia Online.

Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

15 November 2021: Waxaa xogo kala duwan laga helayaa dhalinyaradii kumanaanka gaarayay ee Fahad Yaasiin 2019-2020 tababarka ugu qaaday dalka Eritrea. [Halkan kasii akhri].

Waxyaabo fool-xun oo faaxisho ah ayaa ka socda huteellada Muqdisho, iyadoo dowladda indhaha ka daawaneyso dhalaanka halkaasi mustaqbalkiisa ku baaba'aya. [Halkan kasii akhri].

16 November 2021: Cadaadiska Beesha Caalamka ayaa sii kordhaya, iyadoo Xukuumadda Rooble ay dhexda uga jirto mushkiladdo waaweyn oo xal u la'dahay. [Halkan kasii akhri].

Keydmedia ayaa banaanka soo dhigtay Musharax qarsoon, oo looga baqayo kursiga Madaxweynaha, kaasoo uu Axmed Madoobe si aad ah u caawinayo. [Halkan kala soco warbixinta].

17 November 2021: Guuxa siyaasadda ayaa sare u kacay, waxaana la saadaalinayaa in dalka uu galo marxalad cusub, haddii doorashada 2021 lasoo gabagebynin. [Halkan kasii akhri].

Waxay shacabka ka dhex jira su'aallo aan lahayn cid uga jawaabta, oo ay kamid tahay maxaa keenay faragelinta Beesha Caalamka ee arrimaha doorashadda dalka? [Halkan ka ogow].

18 November 2021: Rooble ayaa Qoor-Qoor markii ugu tagey Dhuusamareeb, kala socoo kulmay wax badan oo farxad-geliyay, maadaama uu fashil ku dhaw yahay. [Halkan kasii akhri].

Ciidanka Kenya ayaa dib u qabatey Maxaabiis Al-Sahbaab oo weerar ka geystay dalkaasi, kuwkasoo baxsadey Xabsi amnigiisa aad loo ilaaliyo oo ku yaalla Nairobi. [Halkan kasii akhri].

19 November 2021: Guuxa Siyaasiyiinta ayay KON ka soo xiganeysaa in boobka doorasho ee Fahad iyo Farmaajo ka billaabayaan Galmudug, ee Qoorqoor hirgalinayo ay dhali karto xasarado siyaasadeed oo ka saameyn badan kuwii Caasimadda ee dhamaadkii April. [Halkan kasii akhri]. 

Qarax khasaaro geystay ayaa ka dhacay degmo katirsan Maamulka Koonfur Galbeed, kaasoo lala eegtay Suuq Mashquul badan oo askar iyo shacab wada joogeen. [Halkan kasii akhri].

20 November 2021: Boob lamid ah doorashaddii Aqalka Sare ayaa ku socoto kuraasta Aqalka Hoose, oo siyaasiyiinta ugu tunka weyn dalka ay ku dagaalamayaan. [Halkan kasii akhri].

Agaasimihii Radio Muqdisho AUN C/casiis Afrika ayaa lagu dilay Qarax ka dhacay magaaladda Muqdisho, kaasoo loo fuliyay si cajiib ah oo ka duwan weeraradii hore. [Halkan kasii akhri].

Rooble ayaa xilkii ka qaadey Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda kadb markii uu ku amray Farmaajo inuu ku bedalo shaqsi isaga uu wato, oo lagu yaqaano Hawiye naceybka. [Halkan ka akhri].

Maxaad ka taqaanaa Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda, taariikhdiisa madow iyo qabyaaladda ku beeran. [Halkan ka ogow wax badan oo ninkan ku saabsan].

21 November 2021: Ugu yaraan saddex qof oo labo Caruur ah ku jiraan ayaa Gaajo iyo Haraad ugu dhintay gobolka Gedo, oo kamid ah meelaha abaarta ku dhufatay. [Halkan ka akhri].

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.