Dhacdooyinka Todobaadka Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Maalmihii lasoo dhaafay waxay Farmaajo u ahaayeen kuwa xanuun badan oo waji gabax iyo diidmo kala kulmay mudo-korarsigiisa sharci-darrada, kala soco macluumaad dheeraad ah Warbixinta Todobaadlaha Keydmedia Online.

Dhacdooyinka Todobaadka Soomaaliya

18 April 2021: Waxaa Isbitaal ku yaalla dalka France ku geeriyooday Prof Maxamed Cabdi Maxamed Gaandi, oo kamid ahaa Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka 10-aad. Wuxuu Gaandi ahaa aqoonyahan, qeyb wayn ka qaatay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, isagoo soo noqday Wasiir difaaca iyo diblomaasi.

19 April 2021: Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kinshaasa ee caasimadda dalka Koongo halkaas oo kula kulmay Madaxweyne Félix Tshisekedi oo sidoo kale ah gudoomiyaha Midowga Afrika. Farmaajo ayaa taageero u raadinayay muddo-kordhinta loo sameeyay.

20 April 2021: Shirweyne ay isugu yimaadeen Beelweynta Hawiye, islamarkaana ay ka soo qeyb galeen siyaasiyiin ay kamid yihiin Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo Xasan Cali Khayre, ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasoo looga soo horjeestay muddo-kordhinta Farmaajo.

21 April 2021: Gollaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa ku taliyay in dib loo billaabo wadahadalladii xal u raadinta doorashooyinka ee u dhaxeeyay Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah, wuxuuna kasoo horjeestay muddo-kordhinta Farmaajo.

22 April 2021: Dr Xasan Cismaan Ciise ‘Dr Buurane’, oo ahaa dhaqtarka ugu caansan dalka, ee daweeya cudurada ku dhaca maqaarka ayaa lagu dilay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xaafadda Al-Baraka isagoo ku sugan banaanka Gurigiisa. Lama oga illaa hadda cidda dishay iyo sababta.

Dhacdo 2aad: Shaqaaqo sababtay gacan ka hadal u dhaxeeya askar katirsan NISA iyo Shaqaalaha Hay'adda Socdaalka, ayaa ka dhacday goroonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana muddo koobaan isku dhex yaacay shaqadii socotay ee dhanka duulimaadka.

23 April 2021: Madasha Badbaado Qaran ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku taageereen go'aankii kasoo baxay Gollaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika taasoo alagu diiday muddo kordhintii Gollaha Shacabka ee 12 April u sameeyay Farmaajo.

24 April 2021: Wasiir Dubbe oo shir jar'aaid ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Soomaaliya aysan aqoonsanayn war-safaaxafeedka Gudiga Nabada iyo Amniga ee Midowa Afrika, isagoo ku eedeeyay Jabuuti iyo Kenya inay shirka hormuud u yihiin, islamarkaana go'aanada kasoo baxay ay yihiin kuwa looga darnaaday Farmaajo.

Dhacdo 2aad: Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidanka qalabka sida ayaa u fariistay kiiska dilka gudoomiyihii Hodon C/xakiin Dhegajuun oo horaantii January lagu dilay Jid-mareexeen, oo ku yaalla Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.