Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

Todobaadkii tagey wuxuu ahaa mid watay dhacdooyin kala duwan, waxaan warbixintan diiradda ku saaraynaa amniga iyo siyaasadda kuwii ugu waaweynaa ee Keydmedia Online qortay.

Warbixin Keydmedia Online
Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

21 September 2020: Xubno katirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa ku geeriyoodey miino ay ku aasayeen Isgoyska SOS oo ku qaraxday, sida ay sheegeen Saraakiisha amniga.

Waxaa la xaqiijiyay in illaa 4 Al-Shabaab ah, oo doonayay inay miino geliyaan jidka si ay ula eegtaan Ciidamada AMISOM oo jidka si joogto ah u isticmaala ayaa ku geeriyoodey qaraxa.

22 September 2020: Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo ay kawada hadleen arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka qaranka.

"Waxaan kulan miro dhal ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Qoor Qoor. Waxaan ka wada hadalnay arrimaha doorashada & kaalinta Galmudug, sidoo kale waxaan isla eegnay howlaha u qabsoomay Galmudugta loo dhan yahay iyo waxyaabaha horyaalla maamulkiisa," ayuu Khayre ku yiri qoraal uu Twitter-ka soo dhigay.

23 September 2020: Xildhibaanada Gollaha Shacabka ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay magacaabista Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaasoo halgan badan u galay inuu helo kalsoonida Baarlamanka.

Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Mursal oo gaba-gabadii hadlay ayaa ku dhawaaqay natiijadda kulankii, isagoo shaaciyay in 215 Xildhibaan ay taageereen kalsooni siinta RW Rooble, mana jirin wax diidmo ah.

24 September 2020: Ku dhawaad 4 sano kadib, hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka Wadajir, C/raxmaan Cabdishakuur ayaa galay Villa Soomaaliya, isagoo la kulmay Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, maalin kadib markii uu helay codka kalsoonida BF.

"Kulan saacado qaatay ayaan wada yeelannay Raysalwasaare Rooble. Kulanka oo uu Raysalwasaare Rooble igu martiqaaday ayaa iswaraysi iyo talo jeedin ahaa. Waxaan si gooni ah diiradda u wada saarnay arrimaha mudnaanta leh oo ay ugu horreyso doorashada oo xilligeeda ku dhacda si caddaalad iyo sinnaan lehna u dhacda." ayuu yiri CC Shakuur.

25 September 2020: Dadweyne careysan ayaa isugu soo baxay duleedka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaasna ka dhigay banaanbax ay uga soo horjeedaan Ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka.

Dibad-baxayaashaan oo isugu jiray Haween, Carruur iyo dhalinyaro, ayaa ku hor banaan baxay afaafka hore ee xerada Ciidamada Kenya ee Ceelwaaq, iyagoo ka careysnaa dil ay Ciidamada u geysteen wiil dhalinyaro ah iyo saddex kale oo ay qafaasheen, kadibna dileen, maydkoodana god ku rideen.

26 September 2020: Kooxda Al-Shabab ayaa fagaare ku yaallo deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan ku toogtay labo ruux oo ay sheegtay in ay ahaayeen basaasiin u shaqeynayay sirdoonka DF iyo AMISOM.

Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay goobta lagu tooganayay raggaan, waxaana mid ka mid ah raggaas oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Abiikar oo 33 sano jir ahaa lagu eedeeyay in uu basaas u ahaa Ciidamada AMISOM ee ku sugan degmada Jalalaqsi ee gobolkaas.

27 September 2020: Madaxweyne Farmaajo ayaa eedeymo uusan caddeyn u haynin u jeediyay Wariyeyaasha Soomaaliyeed, ee dowladdiisa dilka, xariga iyo caburinta ku samaysay.

Isagoo ka hadlay kulan Su'aallo waydiin ah, Farmaajo wuxuu sheegay in Suxufiiyinta Soomaaliyeed ay isagu jiraan kuwa aan aqoon lahayn iyo kuwa argagaxisadda Al-Shabaab la shaqeeya.

Ra’iisul Wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble ayaa si rasmi ah xilka ugula wareegay munaasabad ka qabsoontay Xafiiska R/Wasaaraha, kadib markii 23-kii bishan ay codka kalsoonida siiyeen Xildhibaanada BFS.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.