Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Todobaadkii naga dhamaadey waxyaabaha ugu waaweyn ee taariikhda Soomaaliya galay waxaa kamid ah inuu dalka galay marxalad Baarlamaan la’aan ah, dhameystirka dastuurkii oo dib loo dhigay iyo doorashadii oo dhici waysay, qodobadaasi iyo kuwa kale uga bogga Warbixinta dhacdooyinka Todobaadka ee Keydmedia Online.

Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

27 December 2020: Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo Maamulka Madaxweyne Farmaajo iyo xarig si sharci darro ah loogu geystay ayaa ka dhacay magaaladda Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan.

28 December 2020: Afar Askari oo kuwa katirsanaa Ciidanka Dharcadka NISA ayaa lagu dilay Xaafadda Buundooyinka ee degmada Waaberi xili subax ahayd, waxaana toogtay dabley hubeysan oo Al-Shabaab ah.

29 December 2020: Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u magacaabay Dr. Maxamed Ibraahim Nuur in uu noqdo xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiskiisa, isagoo lagu bedelay Cabdirisaaq Xuseen Aadan oo si KMG ah horay ugu hayay xilkaan kaasoo loo magacaabay markii la eryaya Xasan Cali Khayre July 25, 2020.

Dhacdo 2aad: Hal qof ayaa ku dhintay, labo kale way ku dhaawacmeen qaraxa miino oo gaari lala eegtay, oo ka dhacay degmada Kaaraan, ee Muqdisho, iyadoo la doonayay in lagu dilo Nabadoon caan ah oo lagu magacaabo Muxudiin Xasan Afrax, balse ka badbaadey, oo dowladdii C/qaasim Xildhibaan kasoo noqday.

Dhacdo 3aad: Sidoo kale, gudiga doorashadda ee lagu muransan yahay ayaa soo saarey jadwalkii labaad ee doorashadda Aqalka Sare, kadib markii doorashooyinkii hore loogu ballansanaa in ay dhacaan inta u dhaxaysa 31 Diseembar 2020 ilaa 6da Jannaayo 2021 ay qabsoomi waayeen.

Jadwalka cusub ee gudiga soo saarey ayaa dhigaya in qabashada codsiga Musharixiinta Aqalka Sare ku egtahay 5-ta January, islamarkaana doorashadda ay dhacayso 7-da illaa 14-ka bishan January 2021.

Dhacdo 4aad: Xildhibaanada Gollaha Shacabka Soomaaliya ee waqtigoodu dhammaaday ayaa ansixiyay miisaniyadda dowladda ee 2021-ka taasoo gaareysa $670 milyan, oo inteeda badan ka imaanaysa deeqbixiyaasha Caalamka.

30 December 2020: Waxaa Garoowe ka furmay Madasha Aragti wadaagga Heritage ay soo qaban-qaabisay, kaasoo sanadkan looga dooday side Soomaaliye uga bixi kartaa Kumeer-gaarka 2025, waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiin sare oo DF katirsan, Musharixiinta Mucaaradka iyo dad kale.

Mucaaradka iyo madaxda DF ayaa yeeshay kulamo gaar-gaar ah, oo uga wada hadleen khilaafka doorashadda, waxaana u kala dab-qaadayay Deni iyo Qoor-Qoor, waxaana wali la ogeyn waxyaabaha ay ku heshiiyeen dhinacyada.

31 December 2020: Xasan Sheekh oo ka hadlayay Shirka Garoowe, ayaa sheegay in Farmaajo uu dalka geliyay xaalad aan horey loo arag, oo doorasho la’aan ah 4 sano kadib, islamarkaana aan la ogeyn waxa dhici doono marka la gaaro 8-da February ee 2021.

1 January 2021: Madaxweyne Farmaajo ayaa saxiixay Miisaaniyadda 2021 oo gaareysa 670 milyan oo dollar, taasoo soo ansixiyeen Xildhibaanada Baarlamanka waqtigiisu dhammaaday.

2 January 2021: Qarax Is-miidaamin ah ayaa ka dhacay degaanka Lafoole, ee duleedka galbeed Muqdisho kaasoo uu fuliyay qof isku soo xiray walxo qarxa, isagoo beegsadey shaqaalaha Turkida ee ka shaqeynaya dhismaha wadada Afgooye, oo dowladda Qatar maalgelisay.

Waxaa ku dhintay weerarka Al-Shabaab 4 qof oo uu kamid yahay hal qof oo Injineer Turki ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen 4 kale oo la dhigay Isbitaal ku yaalla magaaladda Muqdisho.

Dhacdo 2aad: Guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka Sida Liibaan Cali Yaroow ayaa xilkii laga qaaday, waxaana lagu baddalay oo xilkaasina loo magacaabay Gaashaanla Maxamuud Axmed Xasan (Dalab).

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.