Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Dhacdooyin waaweyn oo kala duwan ayaan tebinay Isbuucii tagey, halkan kuwii ugu doorka roonaa ayaan kugu soo gudbinaynaa, ka akhriso Warbixinta Todobaadlaha Keydmedia Online.

Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

28 February 2021: Labo Qarax oo miino loo adeegsaday ayaa ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo lala eegtay Sarkaal militeri iyo gudoomiyaha degmada Yaaqshiid, waxaana weerarada ka dhashay khasaarooyin.

1 March 2021: Shaqada garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa hakad ku timid kaddib markii ay shaqo joojin sameeyeen Ciidanka u qaabilsan madaarka baarista boorsooyinka kasoo deg aiyo kuwa ka baxa.

Dhacdo 2aad: Rooble iyo Musharixiinta ayaa kulan kadib soo saarey heshiis ay gaareen oo qodobadiisa ay kamid yihiin inay Xukuumadda raaligelin ka bixiso dhacdadii 19-kii Feb, sidoo kalena ogolaato in banaanbax nabdoon lagu qabto Daljirka Dahsoon.

Dhacdo 3aad: Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ICJ ayaa sheegtay in dhageysiga dacwada badda ee u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya uu billaabanayo 15-ka March 2021.

2 March 2021: Safaaradda Mareykanka ayaa ku amartay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay kulan deg deg ag isagu yimaadaan, iyadoo sheegtay inuu waqtiga sii dhamaanayo, islamarkaana loo baahan yahay in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda.

Dhacdo 2aad: Allaha u naxariistee waxaa Isbitaalka Martiini ee Muqdisho ku geeriyooda, Xildhibaan Axmed Dhimbiil Rooble ‘Casoowe’ oo ka mid ahaa Gollaha Shacabka kadib markii u uku dhacay xanuunka COVID-19.

3 March 2021: Wariye Kilwe oo ka howl gali jiray degaannada Maamulka Puntland ayaa Maxkamad ku taalla Garoowe ku xakuntay 3 bilood oo xarig ah kaddib markii lagu eedeeyay inuu duubay dad bananaanbax ka dhan ah sicir bararaka dhigayay, oo wadooyinka ku jeex-jeexayay Sawirka Deni.

4 March 2021: Digniin cusub ayaa laga soo saarey weeraro qaraxyo ah oo Al-Shabaab ay qorsheynayso inay ka fuliso Muqdisho, iyadoo soo gelisay magaaladda labo baabuur oo walxo qarxa lagu soo xiray.

5 March 2021: Al-Shabaab ayaa weerartay Saldhiga Boosaaso, waxayna kasii daysay 400 oo maxbuus oo argagaxiso ay ku jiraan, waxaana ka dhacay xarunta dagaal culus oo lagu dilay ugu yaraan 10 askari.

Dhaccdo 2aad: Shirkii u socday Musharaxiinta iyo Rooble, ayaa lagu kala tagay kaddib markii la isku af-garan waayay qodobada qaar, oo ugu horeeyo inuu mucaaradka ka qeybgalo shirka arrimaha doorashadda.

Dhacdo 3aad: Mucaaradka oo hadda saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in uu baaqday dibad-bixii lagu ballansnaa inuu Sabtidii ka dhaco Caasimadda Soomaaliya kadib markii fashil ku dhamaaday wadahadalladii ay kula jiraan Rooble.

Dhacdo 4aad: Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa caawa lagu qarxiyay maqaayadda Luul Yemeni ee ku taalla degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir, waxaana ku dhintay weerar ugu yaraan 20 qof.

6 March 2021: Keydmedia Online ayaa daabacday warbixin ku saabsan in Taliska AMISOM uu qaato mushahaarka askar dhimatay ama kuwa shaqada ka tagay, waxaana falkan ku leh Gudoomiyaha Gudiga Midowga Afrika Muusa Faki Maxamed.

Dhacdo 2aad: Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland oo lagu magacaabi jiray Cali Axmed Salaad (Cali Dhahar) ayaa u geeriyooday shil gaari oo uu ku galay degaan ku dhaw Badhan oo ka tirsan Gobolka Sanaag.

7 March 2021: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ku eedeeyay Fahad Yaasiin, taliyaha Sirdoonka Soomaaliya inuu mas’uul ak yahay burburka wadahadalladii Rooble iyo Mucaaradka, isagoo diidan in la heshiiyo.

Dhacdo 2aad: Ergaygii hore ee Midowga Afrika u qaabilsanaa Soomaaliya 2007 illaa 2009, Nicolas Bwakira, ayaa geeriyooday isagoo 80 jir ah, sida uu xaqiijiyey Midowga Afrika.  Wuxuu u dhashay Burundi.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.