Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Waxay ahaayeen Maalmo ay kulushay Siyaasadda, aadna u qabsadey hadal-heynta Bulshadda Xaraashka Shidaalka uu Farmaajo sameynayo, Muranka doorashadda oo meel sare gaarey iyo arrimo kale uga bogo Warbixinta Todobaadka ee Keydmedia Online.

Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

3-dii January 2021: Musharaxiinta ayaa ugu baaqay Hanti dhowrka iyo Xeer ilaaliyaha dalka inay baaritaan ku sameeyaan heshiisyadda Shidaal ee ay Dowladda Federaalka la galeyso Shirkaddaha Coastline oo horay loo oran jiray Soma Oil & Gas iyo Shirkada Liberty.

4-tii January 2021: Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sameystay mudo-kordhin hal sano ah, oo aan dastuurka waafaqsanayn, iyadoo loogu gogol-xaarayo Farmaajo inuu xukunka sii daba-dheeraysto.

Dhacdo 2aad: Waxaa ka dhacday xarunta Xalane xaflad qarsoodi ah, oo Wasaaradda Batroolka DF ay heshiis Shidaal ugu saxiixi lahayd Shirkadaha Coastline iyo Liberty, laakiin la baajiyay kadib markii la ogaadey, oo bulshadda qaylo-dhaan ka muujisay.

5-tii January 202: Shir ay isugu yimaadeen Wax-garadka kasoo jeeda Beesha Hawiye ayaa lagu qabtay Muqdisho, waxaana laga soo saaray War-murtiyeed qodobadiisa ay kamid yihiin in la dhiso Banaadir State xili maqaamka magaaladda mudo dheer la baadi-goobayo.

Dhacdo 2aad: Qarax miino oo ka dhacay jidka 21-ka October, ayaa lala eegtay gaari uu leeyahay Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe, oo ka badbaadey isku-day dil.

6-dii January 2021: Waxaa magaaladda London, ee Caasimadda UK ku dhintay Axmed C/nuur, oo usoo shaqeeyay mudadii ugu dambeysay noloshiisa Idaacadda BBC-da, kadib markii uu COVID-19 ku dhacay.

Dhacdo 2aad: Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Xafiiskiisa kula kulmay hogaamiyaha Xisbiga Wadajir, C/raxmaan C/shakuur Warsame, oo ay kawada hadleen khilaafka doorashadda iyo sidii lagu xalin lahaa.

7-dii January 2021: Shan qof ayaa ku dhimatay Qarax miino, oo lala eegtay taliyaha Ciidamada Asluubta Jen Mahad C/raxmaan Aadan [Shub] xili uu marayey wadada C/qaasim, oo xiriirisa KM4 iyo Tarabuunka.

Dhacdo 2aad: Gollaha Wasiiradda ayaa dib u celiyay, islamarkaana diiday inay ansixiyaan 12 Safiir oo Farmaajo si eex ah u magacaabey, kadib markii ay arkeen inay u badan yihiin shaqsiyaad hal beel kasoo jeeda, taasoo kasoo horjeeda nidaamka awood-qeybsiga qabiilka ee 4.5.

8-dii January 2021: Taliska Ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Afrika, oo loo soo gaabiyo [AFRICOM] ayaa shaaciyay in shan Al-Shabaab katirsanaa ay ku dileen duqeyn dhanka cirka ah oo ay ka geysteen degaanka Saaxa-weyn oo katirsan gobolka Baay, ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

9-kii January 2021: Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku dhawaaqay in Xukuumaddiisa ay qabanayso doorasho lagu qabanayo Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Muqdisho, iyadoo uu meesha ka saarey Jubbaland iyo Puntland.

Dhacdo 2aad: Midowga Musharixiinta Soomaaliya oo Shir deg-deg ah yeeshay ayaa sheegay in go’aanka Xukuumadda Rooble ee qabashadda doorasho aan loo dhameyn ay tahay wax aan la aqbali Karin, iyagoo ku eedeeyay Farmaajo inuu jebinayo heshiiskii doorashadda 17-kii September 2020.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.