Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Todobaadkii tagey maqalka dhegaha waxay ku badnayd dhimashadda dad isagu jira Siyaasiyiin, Xildhibaanno, Madax hore, Fanaan iyo shaqsiyaad kale oo bulshadda qiimo ugu fadhiyay, kadib markii COVID-19 dalka kusoo laba-kacleeyay, kala soco warbixinta Todobaadlaha Keydmedia Online

Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

8 March 2021: Waxaa Muqdisho ka amba-baxaya wafdi ay dirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uga qayb galaaya dhagaysiga dacwada badda ee kala dhaxeeysa Kenya taasoo furmaysa 15-ka bishan.

9 March 2021: Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar oo ah danjire ay dhawaan Dowladda Soomaaliya u magaacawday dalka Masar ayaa waxaa waraaqaha aqonsiga ka gudoomay Madaxweyne Al-Siisi.

Dhacdo 2aad: Wafdi uu hogaaminayo Axmed Madoobe, Madaxweynaha Jubbaland ayaa soo gaarey Muqdisho, wuxuuna kawadaa Xalane oo la dejiyay kulam gaar-gaar ah oo mucaaradka la qaadanayo.

Dhacdo 3aad: Kooxda Al-Shabaab ayaa hoobiyeyaal ku weerartay Xerada Xalane waxyar kadib markii Axmed Madoobe soo gaarey Garoonka, waxaana madaafiicda ku dhaawacmay askar katirsan AMISOM.

10 March 2021: AUN Cali Mahdi, Madaxweynihii 4aad ee Soomaaliya ayaa ku geeriyoodey Isbitaal ku yaalla Nairobi, halkaasoo looga daaweynayay COVID-19. Wuxuu dhintay isagoo 82 sano jir ah.

Dhacdo 2aad: Qarax miino oo jidka lagu aasay ayaa Kaaraan lagu eedgtay gudoomiye ku xigeenka degmada Yaaqshiid, waxaana ku dhaawacay weerarka agagaxiso dhowr askari oo ilaaladiisa kamid ah.

11 March 2021: Kadib markii ay kordheen kiisaska COVID-19, duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa kusoo rogay shacabka Caasimadda amar ah inay xirtaan Face-mask, iyadoo qofkii xiran waayo la ganaaxayo $5.

12 March 2021: Meydka Cali Mahdi ayaa loo sameeyay aas-qaran, waxaana lagu duugay Masjid uu isaga intii uu noolaa dhisay oo ku yaalla Muqdisho. Janaazadiisa waxay kulmisay Farmaajo iyo mucaaradkiisa.

13 March 2021: Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa Muqdisho soo gaarey, isagoo wato Ciidan u gaar ah oo uga soo hormaray magaaladda, waxayna kusoo sameeyay Garoonka dhoola-tus awoodooda.

Dhacdo 2aad: Imaaraadka ayaa Safiir cusub usoo magacawday markii ugu horeysay Somaliland oo aan ahayn dal aqoonsi haysta, iyadoo ku xumeynaysa Farmaajo oo khilaaf kala dhaxeeya, maadaama uu la saftay Qatar markii xiisadda ka dhex qaraxday June 2017.

Dhacdo 3aad: Qarax miino ayaa Sarkaal katirsan militeriga Soomaaliya oo lagu magacaabo Col Cumar C/raxmaan lagu eegtay nawaaxiga Afisyooni, Muqdisho, waxaana ku dhintay hal askari, iyadoo saddex kale oo Sarkaalka uu ku jiro ay ku dhaawacmeen.

13 March 2021: Dowladda Kenya ayaa ku war galisay Maxakamadda Caddaaladda Adduunka in aysan ka qeyb gali doonin dhageysiga kiiska dacwada badda. 

Dhacdo 2aad: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa xarunta Xalane ka wado kulamo xiriir ah oo uu la yeelanayo Musharixiinta iyo safiirro ajnabi ah oo kala hadlayo arrimaha doorashadda iyo abaarta Gedo.

Dhacdo 3aad: Golaha midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2021 iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa ku kulmay xerada Xalane halkaasoo ay daggan yihiin mas'uuliyiinta.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.