Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Todobaadkii tagey wuxuu ahaa midkaloo mashquul badan, oo lagu xasuustaa isdhiibidii Janan uu isku soo dhibay dowladda Soomaaliya iyo Kulankii Gollaha Shacabka ayaa sawaxan iyo buuqa kusoo dhamaaday, tani waa dhacdooyinka todobaadka ee KON. 

Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

23 March 2021: Wasiirka difaaca dalka Talyaaniga Lorenzo Guerini ayaa booqasho aan horey loo shaacin ku yimid Muqdisho, iyadoo uu la kulmay Rooble iyo Farmaajo.

Dhacdo 2aad: Dowladda ayaa gaadiid hor leh oo isugu jira kuwa aan xabaddu karin iyo kuwa kale diyaarad looga keenay Muqdisho xilli dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo xoog leh ay ka jiraan gobolka Gedo.

24 March 2021: Axmed Madoobe ayaa xilka Wasiirka Amniga Jubbaland ka qaaday C/rashiid Janan sacaado kahor inta uusan isku soo dhiibin dowladda Soomaaliya.

Dhacdo labaad: C/rashiid Janan ayaa xili galab ah isku soo dhiibay Dowladda isagoo soo afjary waqtigiisii Axmed Madoobe, waxaana lagu soo bandhigay degmada Beled-Xaawo, ee gobolka Gedo oo ku dhaw Kenya.

Dhacdo Saddexaad: Kenya oo ku wargelisay UNHCR inay 14 maalmood gudahooda ku xireyso Xeryaha Dhadhaab iyo Kaakume oo ay degan yihiin boqolaal kun oo Soomaali ah oo ka cararay colaadaha dalka.

25 March 2021: Saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhimatay madaafiic dhowr ah oo lagu weeraray Xalane, balse qaar kamid ah ku dhacay guri dad ay degan tihiin, oo ku dhaw Xalane.

Dhacdo labaad: Farmaajo ayaa ku guuleystay fashilinta Shirka Beesha Caalamka soo qaban-qaabisay oo la doonayay in la isagu keeno Madaxda shanta Maamul Goboleed ee dalka.

26 March 2021: Allaha u naxariistee Waxaa dalka Kenya ku geeriyootay Raxmo Maxamuud Gacal oo ahayd xaaskii Madaxwaynihii hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed.

27 March 2021:Kulankii Gollaha Shacabka ayaa sawaxan iyo buuqa kusoo dhamaaday kadib markii Xildhibaanada Mucaaradka ay is-hortaag ku sameeyeen mudo-korarsiga Farmaajo.

Saacado kadib fashilka Gollaha Shacabka, Mursal ayaa soo saarey Liiska ka kooban 15 Xildhibaan oo lagu eedeeyay is-hortaag inay ku sameeyeen kulankii shalay oo wax najiiyo ah ku gaaren.

Dhacdo 2aad: Sarkaal katirsan laamaha amniga ayaa ka badbaadey Qarax miino oo Gaarii uu watay lagula eegto , waxaana ku dhawaacmay weerarka ugu yaraan 3 askari.

Dhacdo 3aad: Madaxda Maamullada shanta ah ayaa ku kulmay Xalane, waxayna heshiis ku gaareen inay Talaadada ka qeybgalaan shirka Afisyooni, maadaama ay waqti badan joogeen Muqdisho, oo howlo badan ka baab'ayaan degaanadii ay ka yimaadeen.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.