Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Gollaha Shacabka waxaa ka jirtay hadal-heyn xooggan Todobaadkii tagey, iyadoo Xildhibaanada u kala qeybsameen Mucaaradka iyo Muxaafid, kala soco Macluumaad intaas ka badan Warbixinta Todobaadlaha Keydmedia Online.

Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

 28 March 2021: Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee waqtigiisu dhamaaday ayaa sheegay in ay dhawaan dooranayaan guddoomiye cusub si ay howl-maalmeedka u sii wadaan, inta laga helayo Baarlamaan badala midka hadda jira ee muddadiisii sharciga ahayd ka dhamaatay.

29 March 2021: Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa lagu eedeeyay inuu jebiyay sharciga dalka iyo xeer hoosaadka Gollaha Shacabka, isagoo si cad ula saftay dhinaca Farmaajo ee mudo-korarsiga u xusul-duubaya.

Dhacdo 2aad: Ciidamada NISA ayaa Xildhibaan Daahir Maxamuud Muuse, oo kamid ah Gollaha Shacabka kahor istaagay inuu u hoyaado gurigiisa oo ku yaalla meel ku dhaw saldhigga Godka Jilicow, kadib markii uu kamid noqday 15-ka Xildhibaan ee shaqo joojinta lagu sameeyay.

30 March 2021: Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya, ayaa kulamo siyaasadeed la yeeshay Madaxda Maamul Goboleedyada, si xal loogu helo ismari waaga taagan ee la xiriira ajandaha shir Madaxeedka Qaran ee la qorsheeyay in la qabto.

31 March 2021: Xildhibaan Mahad Salaad oo kamida 15 -ka Xildhibaan ee loo diiday in ay xaadiraan fadhiga Gollaha Shacabka ayaa sheegay in lagu celiyay Isgoyska Dabka oo Ciidamo Boolis iyo NISA isagu jira la dhigay.

1 April 2021: Janan oo ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in sababta uu uga soo goostay maamulka Jubbaland ay ahayd inuu arkay xukunka kaligii-talisnimo ee Axmed Madoobe, oo uu ku eedeeyay inuusan dooneynin qof aan isaga ahayn in go'aan ka gaarto arrimaha maamulka.

2 April 2021: Nabaddoon Maxamed Xaashi Diiriye ayaa lagu dilay Beled-Xaawo xili uu kasoo baxay salaadda Cishaha, waxaana dilkiisa geysatay dabley hubeysan oo goobta ka baxsatay. Nabaddoonku uu  kamid ahaa Odoyaasha dhaqanka ee laf-dhabarta u ah nabada Gobolka Gedo.

3 April 2021: Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku qaadey Bariire, Awdheegle, Lafoole iyo Sabiid oo katirsan Shabeellaha Hoose, waxaana dagaalkii ay la gashay Ciidanka DF uga dhintay 76 xubnood, iyadoo dhankeeda sheegatay inay 47 askari dishay.

Dhacdo 2aad: Farmaajo iyo Madaxda Maamullada ayaa shir uga furmay Teendhada Afisyooni, waxaana loo diiday saxaafadda inay ka qeybgasho, maadaama dhinacyada ay sameynayaan is arag ay uga doodayaan ajandaha shirka Doorashadda.

Dhacdo 3aad: Qarax is-miidaamin ah oo uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa lala beegsaday Maqaayad ku taalla degmada Shangaani, waxaana ku dhimatay 6 qof, oo dhalinyaro iyo wiil yar isagu jiray.

4 April 2021: Farmaajo ayaa kulan labaad la leh Madaxda Maamullada shanta ah iyo duqa Muqdisho, waxaana wararka KON helayso ay sheegayaan in dhinacyada wali ismari la'yihiin, oo ajandaha uu khilaaf ka taagan yahay.

Farmaajo ayaa la sheegay inuu diiday in laga hadlo wax aan ahayn Heshiiskii Sep 17 iyo talo-soo-jeedinta Gudiga farsamo ee ku kulmay Baydhabo Feb 16, iyadoo dhanka Deni iyo Axmed Madoobe doonayaan in heshiis cusub la galo, kaasoo ay kamid tahay awoodda inuu Farmaajo ku wareejiyo Rooble si doorashadda Xukuumadda u qaban-qaabiso.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.