Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Todobadii Cisho ee ugu dambeysay, dalka waxaa qabsatay muddo-kordhinta Farmaajo uu Gollaha Shacabka u sameeyay 12-kii April, kala soco macluumaad  badan warbixinta Todobaadlaha Keydmedia Online.

Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

13 April 2021: Dowladda Mareykanka ayaa soo saartey qoraal cabsi geliyay Farmaajo iyo kuwa ku dhaw kadib markii lagu sheegay warqadda in Washington ay ka fekerayso cunaqabateyn iyo xayiraad dhanka safarka ah hadii uu Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday uu diido inuu dib ugu laabto Miiska wadahadaladda doorashadda.

Tifaftirihii hore ee laanta afka Soomaaliga Yuusuf Garaad Cumar, ayaa layaab ku tilmaamay damaca muddo kordhinta ee Madaxda xilka ka dhamaaday, wuxuuna sheegay aan muran la galin muddada la isla oggol yahay ee xil heynta.

14 April 2021: Farmaajo ayaa Saadaq Joon ka xayuubiyay darajadda Ciidan ee uu lahaa kadib markii uu xilka taliyaha booliska gobolka Banaadir uu ka qaaday sababtoo ah hadalkiisii in Baarlamaanka uu joojiyo kulanka, islamarkaana dib loogu laabto Afisyooni.

15 April 2021: Deni ayaa kadib markii uu ku laabto Garowe billaabay inuu kulamo wadatashi ah la leh Odayaasha dhaqanka, bulshadda rayidka iyo waxgaradka Puntland kahor inta uusan maamulkiisa mowqifka ka qaadan Muddo-kordhinta la diiday ee Farmaajo.

Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan ayaa ka bilowday Muqdisho kadib markii uu saldhig ka sameystay xaafadda reerkiisu ay ku badan yihiin ee Shiirkole, si uu halkaasi naftiisa ugu badbaadiyo maadaama ay Haramcad raadsanayaan.

16 April 2021: Madaxweyne Biden ayaa danjire Larry André Jr. u magacaabay inuu noqdo safiiirka cusub ee baddalay Yamamooto, waxaana danjiraha cusub uu kasoo shaqeeyay diblomaasiyadda in muddo ah,  André ayaa ka mid ahaa 9 safiir oo uu magacaabay Biden, kuwaas oo badankood loo magacaabay dalalka Afrika.

17 April 2021: Farmaajo ayaa kulan gaar ah oo saxaafadda banaanka ka joogto la qaatay Wakiiladda Beesha Caalamka oo ugu yeeray Afisyooni, waxaana ay kawada hadleen xaaladda dalka iyo muddo-kordhinta dowladda iyo Baarlamaanka loo sameeyay.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa is-bedel ku sameeyay taliyeyaasha Booliska iyo Sirdoonka Jubbaland, kadib markii uu Wasiirkiisii amniga, kaasoo sida Keydmedia Online ogaatay ku qaatay soo goosashadiisa lacag ka badan 2 milyan.

Baarlamaanka Puntland ayaa kulan uu Garowe isagu yimid ka dooday xaaladda muiddo-kordhinta Farmaajo, iyadoo Xildhibaanno gaaraya 49 u codeeyay qaraar lagu diiday go'aankii 12-kii April ee dhanka awoodda dastuuriga.

Guudlaawe iyo Qoor-Qoor ayaa ku fashilmay inay kulan la yeeshaan Musharxiinta mucaaradka, kuwaasoo diiday in ay la kumaan Farmaajo, waxaana labada hogaamiye muuqata inay kusii macno beelayaan dhexdhexaadinta khilaafka taagan.

Maxamed Cabdi Xayle oo ahaa gudoomiyaha Xamar-jajab waxaana dilkiisa uu ka dhacay Xaafadda Sarkuusta, halkaasii uu ku qabay Xasaas oo xiliga saqdii dhexe ee habween u hooyan jiray, isagoo aan wax ilaalo ah wadan.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.