Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

Todobaadkii tagey wuxuu ahaa mid watay dhacdooyin kala duwan, waxaan warbixintan diiradda ku saaraynaa amniga iyo siyaasadda kuwii ugu waaweynaa ee Keydmedia Online qortay.

Warbixin Keydmedia Online
Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

14 September 2020: Sarkaal ka tirsan oo katirsanaa Kooxda Al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Aadan Yuusuf ayaa lagu dilay howlgal ay degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose ka fuliyeen Ciidanka DANAB ee xoogga dalka Soomaaliya.

15 September 2020: Ugu yaraan 6 ruux oo labo kamid ah ay walaalo ahaayeen ayaa ku geeriyootay halka labo kalena ay ku dhaawacmeen qarax Miino oo ka dhacay duleedka degmada Xudur ee Caasimadda gobolka Bakool. Qaraxa ayaa burburiyay mooto TUK-TUK ah oo dadkan ay saarnaayeen.

16 September 2020: Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in heshiis kasto oo la gaaro uusan dhanka Farmaajo ka fuli doonin, isagoo u sababeeyay in Madaxweynaha aysan qorshaha ugu jirin in dalka doorasho ka dhacdo.

17 September 2020: Allah ha u naxariistee Wasiiru dowlihii Wasaaradda Diinta ee Hirshabeelle Nuur Xaashi Warsame, oo sidoo kalena ahaa Xildhibaan ayay dabley hubeysan ku dileen xili uu kasoo baxay Masjid uu Salaaddii Maqribka kusoo tukadey gudaha magaalada Jowhar, oo 90-KM dhanka waqooyi uga beegan Muqdisho.

Sidoo kale isla 17-kii September, Madaxweyne Farmaajo ayaa saacaddo kadib markii lagu dhawaaqey heshiis siyaasadeed oo laga gaarey doorashooyinka dalka magacaabay Ra’iisul Wasaare cusub.

Farmaajo ayaa xilka u magacaabay Injineer Maxamed Xuseen Rooble oo ah 57 jir ku dhashay sanadkii 1953-dii degmada Hobyo ee gobolka Mudug, isagoo ah qurba jog ku cusub siyaasadda Soomaaliya.

18 September 2020: Madasha xisbiyada qaran, oo ku midobeen lix xisbi, ayaa dalbatay in saamileyda siyaasadda qeyb laga siiyo xubnaha guddiga isku dhafka doorashada ee lasoo dhisi doono.

19 September 2020: Diyaarad nooca xamuulka ah ayaa ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Diyaaraddaan oo nooceda ahaa 5Y-MHT, islamarkaana laga leeyahay Kenya, ayaa ku sii jeeday Beledweyne, balse diyaaaradda ayaa si deg deg ah ugu soo laabtay Garoonka kadib cilad ku timid.

Wasaaradda Duulista ayaa xaqiijisay in shilka ay ku dhaawacmeen saddex kamid ah shaqaalaha diyaaradda, waxaana dhacdadan ay noqonaysaa diyaaradii 4aad oo ku burburta dalka 2020.

20 September 2020: Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Wadajir C/raxmaan Cabdishakuur, ayaa sheegay in loo baahan yahay isbedel in lagu sameeyay taliska hay'adda NISA, oo uu ku eedeeyay inay ku milantay siyaasadda dalka, islamarkaana ay qabtay howsheeda sirdoon.

NISA waxaa madax ka ah Fahad Yaasiin, oo lagu eedeeyay inuu u adeego Qatar, sidoo kalena ka dhigay hay'adda mid argagaxisadda ku milmeen mudadii uu xafiiska jooga, iyadoo Farmaajo u adeegsado inuu ku dhibaateeyo siyaasiyiinta mucaaradka, sida CC Shakuur oo gurigiisa lagu weeraray Dec 2017.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.