Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Todobaadkii tagey wuxuu ahaa mid mashquul badan siyaasadda Soomaaliya, iyadoo Hirshabeelle ay gashay jawi doorasho oo laga maamulayo Villa Somalia, uga boggo macluumaad badan warbixinta Todobaadlaha Keydmedia Online.

Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

2 November 2020: Macluumaad ay Keydmedia Online heshay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-Qoor] uu ka badbaadey dil kadib markii diyaaraddii uu la socday oo ka duushay Dhuusamareeb ay kooxda Al-Shabaab isku dayday inay soo rido, waxay ku riday gantaal.

3 November 2020: Madaxweynihii Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku dhawaaway inuu iska casilay xilka, isagoo ku eedeeyay Villa Somalia fareglin inay ku hayso doorashadda Maamulkiisa.

4 November 2020: Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa u doortay C/xakiin Luqmaan inuu noqday gudoomiyaha cusub waxaana ku xigeenka 2aad noqday Mahad Xasan Cismaan, oo qaraabo dhaw yihiin Fahad Yaasiin, iyadoo xilka gudoomiye ku-xigeenka 1aad loo doortay Siraaji Sheekh Isxaaq.

5 November 2020: Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku dhawaaqay gudiga doorashooyinka oo 25 xubnood ka kooban iyo Xallinta Khilaafaadka, oo 21 xubin ah, kuwaasoo u badan shaqaalaha dowladda iyo NISA.

Wasiirka cusub ee shaqada iyo arrimaha Bulshadda, ee Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa ka badbaadey isku-day dil kadib markii qarax lagu eegtay gaari oo la socday KM4, Muqdisho xili habeen ah.

6 November 2020: Saddex kamid ahaa Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Alpha Group, ayaa ku dhintay qarax gaari oo ka dhacay degaanka Gandershe ee duleedka magaaladda Muqdisho.

7 November 2020: Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in laba ilmo adeer [Fahad Yaasiin iyo Cabdunuur] ay ku ciyaarayaan mustaqbalkii umadda iyo doorashooyinka, oo iyaga gacanta loo geliyay.

"Waa wax aan la aqbali karin in mustaqbalka dalka iyo doorashada xubnaha aan matalno ay maamulaan labo wiil oo ilma adeer ah," ayuu yiri C/raxmaan, isagoo ula jeeda Cabdinuur iyo Fahad, oo kasoo jeeda jal jufo hoose, oo katirsan beesha Sheekhaal Reer Aw-xasan.

Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ah Senator ka tirsan Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa ka badbaadey Qarax lagula eegtay isgoyska Sayidka, oo ku dhaw Madaxtooyadda Villa Somalia.

8 November 2020: Gudiga doorashooyinka Hirshabeelle ayaa maanta billaabey diiwaan-gelinta musharaxiinta u tartamaya xilalka Madaxweynaha iyo ku xigeenka Maamulkaasi.

Wararka ayaa sheegay in musharaxa Madaxweyne laga qaadayao $15,000, halka ku xigeenka uu bixinayo $10,000. Waxay dad badan ogsoon yihiin inuu diyaar yahay Madaxweynaha Hirshabeelle, oo gacanta ugu jiro Fahad Yaasiin.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.