Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Isbuucii tagey waxay Siyaadda Soomaaliya ahayd mid aad u mashquul badan, isamarkaana la qabtay Shirka sanad laha ee Somalia Partnership Forum, oo madax dalka shisheeyaha hortooda xumaantooda kusoo bandhigay, wax badan uga bogo warbixinta todobaadlaha Keydmedia Online

Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

7 December 2020: Muqdisho waxay martigelisay Shirka Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka ee Somalia Partnership Forum, kaasoo looga hadlay doorashooyinka soo socda, amniga iyo xaaladda bini’aadanimo.

8 December 2020: Ciidamada Itoobiya ee ku sugan degaanka Halgan, duleedka Beledweyne ayaa ku dagaalamay saldhiga ay degan yihiin, kadib markii la isku dayay in hubka laga dhigo askarta Tigreegga.

9 December 2020: Lix Sarkaal oo kamid ahaa Militeriga Soomaaliya ayaa lagu dilay duleedka Balanballe kadib markii rag hubeysan ay jidka u galeen kolonyo ay la socdeen, xili kasoo laabanayeen tababar loogu qabtay Guriceel.

10 December 2020: Xafiiska Hanti dhowrka guud, ayaa daabacay warbixin la xiriirta musuq-maasuqa Xukuumaddii la riday, iyadoo Dacwad ka dhan ah Xasan Cali Khayre loo gudbinayo Maxkamadda Sare, si looga reebo inuu Farmaajo kula tartamo doorashadda madaxtinimada ee dhacaysa February 8, 2021.

11 December 2020: RW Rooble ayaa safarkiisii ugu horeeyay ku tagey Garowe, si uu Deni ugala soo hadlo khilaafka doorashooyinka iyo diidmadda Maamullada Jubbaland iyo Puntland inay soo gudbiyaan xubnaha ku matelayo gudiyadda doorashooyinka heer Federaal.

12 December 2020: Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Mursal C/raxmaan, ayaa ku dhawaaqay in Baarlamaanka 10aad uu sii shaqeyn doono inta laga dooranayo Baarlamaanka 11aad, taasoo ah mudo korarsi dadban.

13 December 2020: Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa booqasho maalmo qaadan doonto uga billaabatay Kenya, isagoo raadinaya Ictiraafka Hargeysa ugu jirto halganka mudo 30 sano ah, oo aan helin cid aqoonsata.

Qarax ayaa ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo, kaasoo ka dhashay walxo qarxa oo lagu qariyay goob qashinka lagu shubo, oo ku dhaw xafiiska duqa magaaladda, waxaana ku dhawaacmay ugu yaraan 8.

Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saarey qoraal uu u diray Farmaajo, Mursal iyo Cabdi Xaashi oo ku wargelinayo in dhaqangalka dastuurka uu la dhamaanayo Baarlamaanka 10aad, islamarkaana loo baahan yahay in dalka laga badbaadiyo dastuur la’aan inuu noqdo.

Hanti dhowrka Guud ee Qaranka Maxamed Cali Afgooye ayaa ku amray 14 Mas'uul oo isagu jira Wasiirro, uu kamid yahay Cawad iyo Xildhibaanno inay mudo 10 maalmood kusoo celiyaan gaadiid ay dowladda leedahay oo si sharci darro ah ku haystaan.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.