Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Isbuucii tagey siyaasadda dibadda iyo mida gudaha Soomaaliya waxay ahayd mid cakiran, oo madaxda IGAD ka yeesheen Shir gaar ah, kaasoo Farmaajo iyo Uhuru canaan iyo cadaadis kala kumeen, uga bogo dhacdooyinkii ugu dambeeyay warbixinta Todobaadlaha Keydmedia Online, akhris wacan.

Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

21 December 2020: IGAD iyo Midowga Afrika ayaa cadaadis ku saarey Farmaajo iyo Uhuru inay heshiis degdeg ah ka gaaraan khilaafka diblomaasiyasadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, islamarkaana lagu soo celiyo xiriirka si caadi ah.

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa albaabada la isagu dhuftay, kadib markii Farmaajo ku amray dhamaan diblomaasiyiinta inay Nairobi uga soo baxaan 7 maalmood gudahooda xili xiriirka labada dal meeshii ugu hooseysay gaarey, oo xiriirka isku jareen.

22 December 2020: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in fashilka siyaasadda dibadda dowladda Farmaajo ay sabab u tahay fashilka arrimaha gudaha, oo si wanaagsan u maareyn waayay khilaafaadka jira.

"Maamul xumada iyo si xun u maareynta arrimaha gudaha dalka ayaa keentay faragelinta dalalkeenna ay ku hayaan dalal shisheeye, sidaa darteed waxaa loo baahan yahay in la dhiirrigeliyo dib-u-heshiisiinta iyo isfahamka dadka Soomaaliyeed," ayuu hadalkiisa raaciyay Xasan Sheekh.

23 December 2020: Keydmedia Online ayaa daabacday warbixin gaar ah oo ku saabsan in Kumandooska Soomaaliya lagu soo daray ku dhawaad 100 Al-Shabaab ah, oo isku qabiil yihiin Madaxweyne Farmaajo.

Guddiga doorashada heer Federaal ee lagu muransan yahay ayaa soo saarey jadwalka doorashooyinka Aqalka Sare, oo ay sheegeen in soo xulista Senatarada billaabanayso 31-ka December, laakiin fashilmay.

24 December 2020: Booliska Haramcad, ayaa rasaas ku kala eryay shacab ku banaanbaxayay wadooyinka Muqdisho, iyagoo kasoo horjeeda Farmaajo, waxeyna jidil iyo xabsi u geysteen tobaneeyo dhalinyaro ah.

Farmaajo ayaa saxiixay xeer Madaxweyne oo dib u dhigay ansixinta Wax-ka-beddelka Dastuurka KMG, xili laga baqayay in dalka uu noqdo Dastuur la'aan. Laakiin, tallaabaduu qaadey waxay ahayd sharci daro.

25 December 2020: Wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan oo warbaahinta kula hadlay duleedka degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa ugu baaqay Farmaajo in uu is casilo, isagoo ku sifeeyay dagaal ooge iyo kaligii-taliye dalka u horseedaya colaad iyo amni la’aan.

Askari katirsan NISA, oo dharcad ah ayaa Isgoyska Banaadir, ee magaaladda Muqdisho ku rasaaseeyay dhalinyaro dhigayay banaanbax looga soo horjeeday Farmaajo, waxuuna u dhaqmayay sida Shabaab.

26 December 2020: Kooxo hubeysan ayaa oday dhaqameed kamid ahaa ergadii doorashadda iyo wiil dhalinyaro ah ku kala dilay Deyniile iyo Wadajir, oo Muqdisho kamid ah xili amniga faraha ka baxayo.

Wafuud kala duwan, oo ay kamid yihiin gudoomiyeyaasha Aqalka Sare iyo Gollaha Shacabka, Cabdi Xaashi iyo Mursal ayaa gaarey Garoowe, iyagoo ka qeybgalaya kulamo halkaasi ka dhacaya Todobaadkan.

Waxay 26-ka December ahayd maalintii Gudiga doorashadda sheegay inay billaabanayso diiwaangelinta Musharixiinta Kuraasta Aqalka Sare, laakiinse baaqatey kadib markii uu sameeyay khilaafka diyaasadeed.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.