Dhacdooyinkii Todobaadka Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Todobaadkii tagey, Soomaaliya waxay waysay qof qaranka muhiim u ahaa oo taariikhda difaacada dalka baal-dahab ah ka galay iyo dhismaha Ciidanka xoogga, waa Jeneraal Galaal oo argagaxisaddu dishay, kala soco Taariikhdiisa iyo Macluumaad kale dhacdooyinka Todobaadka Keydmedia Online.

Dhacdooyinkii Todobaadka Soomaaliya

31-kii January 2021: Xilli galab ah Gaari ayaa lagu qarxiyay albaabka Afrik hotel, waxaana xigay weerar toos ah oo rag hubeysan oo ka kooban 3 qof ay gudaha u galeen kuwaasoo illaa mudo 8 saacadood ah dagaalamay, waxayna dileen dad lagu qiyaasay 11, oo uu ku jiro Jeneraal Maxamuud Nuur Galaal.

1-dii February 2021: Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa gaarey Dhuusamareeb, oo martigelisay shirka arrimaha doorashooyinka ee Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamullada dalka.

2-dii February 2021: Madaafiic ayaa lagu weeraray Dhuusamareeb xili habeen ah oo ay kuwada sugan yihiin Madaxweyne Farmaajo, Rooble iyo Madaxda Maamullada Koonfur Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug.

Dhacdo kale: AUN Jen. Maxamed Nuur Galaal ayaa lagu aasay qabuuro ku yalla Guriceel, G/Galgaduud.

3-dii February 2021: Waxaa Dhuusamareeb ka furmay Shir u dhaxeeya Madaxda DF iyo Maamullada, kaasoo ahaa midkii 4aad oo ay yeeshaan tan iyo 2020, si ay heshiis mideysan uga gaaraan doorashadda.

4-tii February 2021: Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa soo saartey qoraal hanjabaad culus oo ku wajahan Mucaaradka Farmaajo, taasoo lagu sheegay inaan la aqbalaynin fowdo iyo hanaan doorasho oo aan ahayn midkii madaxda ku heshiiyeen 17-kii Sept 2020.

5-tii February 2021: Magaaladda Dhuusamreeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa xili habeen ah markale lagu weeraray hoobiyeyaal iyado madaxda dalka shir uga socday maalintii 2aad.

Dhacdo kale: Ciidamada Soomaaliya ayaa dagaal kula galay duleedka Dhuusamareeb Kooxda Al-Shabaab oo weeraro madaafiic ah ku soo qaaday magaalada, waxaana lagu dilay xubno argagaxisadda katirsanaa.

Dhacdo kale: Afrik hotel ayaa dib loo furey 4 maalin kadib weerarkii Kooxda Al-Shabaab, waxaana Mamaulka uu sheegay inaysan cabsi gelinaynin falalka argagaxiso oo ay sii wadi doonaan ganacsiga.

Dhacdo kale: Waxaa burburey Shirkii DF iyo Madaxda Maamullada ee ka socday mudada saddexda maalin magaaladda Dhuusamareeb, waxaana eedeymo isku jeediyay Farmaajo iyo Axmed Madoobe.

6-dii February 2021: Farmaajo ayaa hortagay Gollaha Shacabka saacado kadib markii uu kasoo laabtay Shirkii Dhuusamareeb ee fashilka kusoo dhamaadey, isagoo u jeediyay khudbad uu uga hadlay hanaankii ay soo mareen wadahadalladii uu la yeeshay Maamullada tan iyo 2020, oo dhamaan guul-dareystay.

Mursal ayaa shirkii Gollaha Shacabka ka sheegay inaysan jirin wararka sheegaya inay Mudo-kordhin hal sano ah u sameynayaan Farmaajo oo waqtigiisu dhamaadey, islamarkaana jirin doorasho iyo dowlad kale oo bedesha Maamulkiisa.

Dhacdo kale: Hal qof ayaa ku dhintay, 3 kalena way ku dhaawacmeen Qarax ka dhacay habeenkii Sabtida KM4, meel ku dhaw Afrik hotel kaasoo ahaa miino ku xirnayd gaari nooca aan xabada Karin uu uu watay mas’uul aan magaciisa iyo darajadiisa la sheegin.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.