Dhacdooyinkii Todobaadka Soomaaliya

Isbuucii lasoo dhaafay waxaa jiray dhacdooyin waaweyn, oo ka dhacay dalka, kala soco warbixinta Todobaad-laha Keydmedia Online.

Warbixin Keydmedia Online
Dhacdooyinkii Todobaadka Soomaaliya

24 January 2021: Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa qoraal uu soo saarey ku sheegay inaan la aqbali doonin labo doorasho oo is-bar-bar socda oo lagu qabto Muqdisho.

25 January 2021: Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidanka dowladda iyo kuwa Maamulka Jubbaland ayaa ka dhacay degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 11 qof, oo 8 kamid ah ay Carruur ahaayeen, kuwaasoo ku dhintay hooboyeyaal guryahooda ku dhacday xili ay hurdayeen.

26 January 2021: Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa beeniyay war ay warbaahinta isaga ka xigteen oo sheegayay inay DF xayiraadda ka qaadey Qaadka Miiraa ee laga keeni jiray dalka Kenya, kaasoo 2020 loo joojiyay kahor-tagga faafista COVID-19.

27 January 2021: DF ayaa ku hanjabtay inay ka baxayso IGAD kadib markii Gudiga uu Geelle magacaabey 20-kii December 2020 soo saarey warbixin u uku sheegay in Kenya aysan faragelin ku heynin arrimaha gudaha Soomaaliya.

28 January 2021: Dowladda Jabuuti ayaa difaacday warbixinta IGAD, oo ay sheegtay inuusan shaki ku jirin in gudigu shaqada u qabtay si xirfad iyo dhexdhexaadnimo ku jirtay, islamarkaana dhinacna la safan.

Dhacdo 2aad: Farmaajo ayaa saxiixay 7 bilood kadib qaraarka 13-ka Kursiga ee Aqalka Sare lagu siinayo gobolka Banaadir xili olole doorasho uu ku jiro Madaxweynaha oo raadinayo codka Xildhibaanada cusub.

Dhacdo 3aad: Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa sharci-darro ku tilmaantay hanaanka Puntland iyo Jubbaland ay ku magacaabeen xubno ku matalaya gudiga doorashadda heer M/Goboleed.

29 January 2021: Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan, ayaa ku dhawaaqay dagaal uu maamulkiisu la galayo Ciidamada dowladda ee kala wareegay Baled-Xaawo kadib dagaal ka dhacay.

30 January 2021: Dowladda Qatar ayaa ku baaqdey in baaritaan buuxa lagu sameeyay dhalinyarada Soomaaliyeed ee la sheegay in lagu dilay dagaalka dalka Itoobiya, iyagoo lagu qalday shaqo Doha taalla.

Dhacdo 2aad: Mahdi Guuleed, RW ku xigeenka iyo Taliyaha Ciidanka Jen Odowaa Yuusuf ayaa safar qarsoodi ku ugu ambabaxay dalka Eritrea 3 maalmood kadib, waxayna tagayaan xeryo lagu tababaro dhalinyarada Soomaaliyeed ee Fahad Yaasiin askareeyay 2019-2020.

Dhacdo 3aad: Farmaajo ayaa la kulmay Wakiiladda Beesha Caalamka, isagoo shirka inta uu socda lagu cadaadiyay inuu la kulmo Madaxda Maamullada, taasoo u uku dhawaaqay wax yar kadib markii shirka uu soo dhamaadey.

Kulanka Farmaajo iyo Madaxda Maamul Goboleedyada waxaa la filayaa inuu ka furmo 1-da February magaaladda Dhuusamareeb, iyadoo uu socon doono illaa 3-da, waxaana 5-ta bishaas lagu wadaa inuu Madaxweynaha khudbad u jeediyo Baarlamaanka labadiisa aqal oo uga warbixin doono arrimaha doorashadda.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.