Dhacdooyinkii Todobaadka Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Wuxuu ahaa Todobaad dagaal iyo dibadbaxyo dhaceen, oo dadka degan Muqdisho soo xasuusiyay 1991-kii, waxaana banaanbax usoo baxay wajiga qarsoon ee Farmaajo, macluumaadkan iyo kuwa kale uga bigo dhacdooyinka Todobaadlaha, ee Keydmedia Online.

Dhacdooyinkii Todobaadka Soomaaliya

14-kii February 2021: Saddex haween ah, oo labo kamid ah xaamilo ahaayeen ayaa lagu dilay degmada Deyniile xili subax ah iyagoo kusii jeeday Wasaaradda Gaashaandhigga, oo nadaafadda ka shaqeynayay.

15-kii February 2021: Senator Abshir Bukhaari ayaa ku eedeeyay Farmaajo inuu jebiyay dastuurka, kadib markii uu magacaabey gudiyo qaran isagoo aan haysan sharciyad maadaama uu waqtiga ka dhamaaday.

16-kii February 2021: Jabhadda Jeneraal Xuud, ee ka dagallanta gobolka Hiiraan, ayaa u hanjabtay Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed, oo ugu baaqday inuu ka baxo Beledweyne.

17-kii February 2021: Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo kamid ahaa culimada diinta kuwa ugu caansan dalka Soomaaliya ayaa ku dhintay Isbitaalka Martiini kadib markii uu ku dhacay xanuunka COVID-19-ka.

Dhacdo kale: Dowladda Farmaajo, ayaa amar dul dhigtay qeybaha bulshada, iyadoo soo rogtay amar ah in aan la isku soo bixi Karin kadib markii uu COVID-19 dalka kusoo laba-kacleeyay, Ciidamada ayeyna ku amartay in ay fuliyaan awaamiirta.

18-kii February 2021: Keydmedia Online ayaa daabacday warbixin Exclusive ah oo ku saabsan in duqa Muqdisho Cumar Filish iyo ku-xigeenkiisa C/qaadir Maxamed isku qabsadeen malaayiin dollar oo Bangiga Adduunka ugu deeqay in dib u dhis loogu sameeyo Caasimadda dalka Soomaaliya.

Dhacdo kale, Ciidanka dowladda ayaa xili saqdii dhexe habeenkii Khamiista weerar ku qaadey hotel Maida, oo ku dhaw Daljirka Dahsoon, halkaasoo ay deganaayeen Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan, waxuuna Musharax Daahir Geelle sheegay in Farmaajo isku dayay inuu dilo Madaxdii hore.

Dagaal xoog leh oo daqiiqado socday ayaa ka dhacay nawaaxiga hotel-ka iyo Daljirka Dahsoon, iyadoo Ciidanka dowladda la wareegeen gacan ku heynta goobta oo Jimcihii la filayay in banaanbax lagu qabto.

19-kii February 2021: Subax Jimco ah waxaa ka qarxay Muqdisho dagaal xoogiisa ka dhacay inta u dhaxaysa KM4 iyo Garoonka diyaaradaha halkaasoo dibadbax ka dhigayeen musharxiinta mucaaradka.

Dagaalka ayaa saameeyay Garoonka diyaaradaha kadib markii ugu yaraan 4 madfac lagu garaacey, iyadoo ay gubteen qeybo kamid ah dhisamayaasha ganacsi, taasoo keentay in hakad u uku yimaado duulimaadka.

20-kii February 2021: Midowga Musharaxiinta ayaa ku eedeeyay Farmaajo inuu yahay dambiile qaran, kaddib weerarradii ka dhanka ahaa ee lagu qaaday qaar iyaga kamid ah iyo taageeriyaashooda xili banaanbax Jimcihii ka dhigayeen nawaaxiga KM4.

21-kii February 2021: Farmaajo oo waqtigiisu dhamaaday ayaa shir ka furay Villa Somalia kaasoo ay ka qyebgalayaan Madaxda HirShabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo duqa Muqdisho kaasoo looga hadlayo khilaafka doorashadda.

Jubbaland ayaa soo saartay qoraal ay ku qoran yihiin shan shardi oo cusub oo ay ku xirtay  qeybgalkeeda Shirka ka furmay Muqdisho, waxaana kamid ah shuruudaha in Farmaajo uusan qeyb ka noqon hanaanka doorashooyinka, maadaama uu lamid yahay Musharixiinta kale.

Hogaamiyaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeynaya Farmaajo qorshaynta in xoog ku xukumo dalka. Isagoo ka hadlayay magaalada Garoowe ee xarunta Maamulkiisa shalay, Deni wuxuu sheegay inuu ka baqayo in dalku galo dagaal sokeeye. Deni wuxuu ku boorriyay Soomaalida inay diidaan "kelitalisnimo".

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.