Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Todobaadkii lasoo dhaafay, Soomaaliya waxaa soo maray maalmo xanuun badan oo taariikhda baal-muqdi ah ka galay kadib markii shaqsiyaad muhiim ah uu dilay COVID-19, kala soco macluumaad dheeraad ah Warbixinta Todobaadlaha ee Keydmedia Online.

Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

22 February 2021: Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo Garoowe ku qabatay shir jaraa’id ayaa banaanka soo dhigay siyaasadda Turrican ee Farmaajo iyo damaciisa ku aaddan doorashooyinka, isagoo sheegay in Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey uu doonayo inuu dalka xoog ku qabsado, oo uusan doorasho doonaynin inuu qabto.

23 February 2021: Kani Torun oo soo noqday Safiirka Turkiga ee Soomaaliya xiligii dowladdii Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya aysan u baahnayn kaligii taliye kale ama dagaal sokeeye oo dhiig ku daato, isagoo shacabka ugu baaqey inay kahor tagaan shirqoollada Farmaajo.

Dhacdo 2aad: Qarax ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho kadib markii qof Ciidanka ay eryanayeen uu jaakadiisa qarax ku xirnaa uu ku tuurey saldhigga Booliska degmada Xamar-weyne, waxaana uu dhaawac gaarsiiyay taliyaha saldhigga.

Dhacdo 3aad: Ugaas Xassan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, oo ahaa Ugaaska Beesha Xawaadle ayaa ku geeriyooday Magaalada Muqdisho, waxaana dhimashadiisa loo sababeeyay cudurka COVID-19, oo dhawaan kusoo laba-kacleeyay Soomaaliya.

24 Febuary 2021: Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa ugu baaqey Farmaajo in hadii uu rabo in dalka doorasho ka dhacdo loo baahan yahay inuu xilka ka qaado Fahad Yaasiin, oo lagu eedeeyay inuu mas'uul ka yahay dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira.

25 Febuary 2021: Musharixiinta Mucaaradka ayaa Decale hotel oo Garoonka diyaaradaha ku yaalla kula kulmay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble [Rogane], iyagoo gabagabada kulanka kasoo saarey qoraal ay ku shaaciyeen in dib loo dhigay banaanbaxii Jimcaha, sidoo kalena heshiis laga gaarey dhibaatadii dhacday 19-kii Febuary.

26 Febuary 2021: Gollaha Amaanka ayaa mudo-kordhin kale u sameeyay AMISOM oo dalka ku sugan tan iyo 2007, iyadoo aan wax natiijo ah laga gaarin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo laga saari waayay goobaha ay joogto.

27 Febuary 2021: Gollaha Amaanka ayaa xayiraado kusoo rogay saddex hogaamiye oo kamid ah Al-Shabaab, kuwaasoo kala ah Abuukar Cali Aadan, ku-xigeen hoggaamiyaha Al-Shabaab; Macalin Ayman, taliyaha garabka Jaysh Ayman ee ka dagaalama Kenya iyo Mahad Karate, hogaamiye kuxigeen hore iyo shaqsi awood badan ku dhex leh Kooxda.

Wasaaradda Caafimaadka DF ayaa shaacisay in 304 qof laga helay COVID-19, kuwaasoo 147 kamid ah Muqdisho ku sugan yihiin, waxaana u dhimatay caabuqa labadii maalin ee lasoo dhaafay dad gaaraya 8 ruux. Isbitaalka Martiini ee Muqdisho ayaan lahayn Ogygen, taasoo keentay in bukaanada neef la'aan u geeriyoodaan.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.