Dhacdooyinkii Todobaadka Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Wuxuu ahaa Todobaadkii tagey mid ay Soomaaliya ku noqotay Madaxweyne la’aan kadib markii uu 8-dii bishan ku ekaa mudo-xileedkii Farmaajo, firaaqa dastuurka iyo warar kale uga bogo warbixinta todobaadlaha ee Keydmedia Online.

Dhacdooyinkii Todobaadka Soomaaliya

7 February 2021: Waxaa qarax miino lagu dilay Taliyihii Ciidanka NISA ee Dhuusamareeb Cabdirashiid Cabdi Nuur (Qooje) iyo Askar ilaalo u aheyd oo marayay meel ku dhow Degaanka Ceeldheer, oo 30km u jira Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Dhacdo kale: Ciidan gadoodsan oo ka tirsan Galmudug ayaa la wareegay gacan ku haynta degamda Matabaan, G/Hiiraan oo bilooyinkii u dambeeyay ka taagnaa muran ku saleysan dhinaca maamulka.

8 February 2021: Waxaa dhamaadey mudo-xileedkii afarta sano ee Farmaajo, iyadoo aan la dooran Madaxweynihii bedeli lahaa, islamarkaana jirin wax doorasho ah oo dalka ka dhacday waqtigii loogu talagalay.

Dhacdo kale: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ku eedeeyay Farmaajo inuu dalka geliyay xaalad mugdi ah iyo hubanti la'aan kadib markii si nadiif ah xilka ugu wareejin waayay Madaxweye cusub, marka uu dhamaadey mudo-xileedkiisa.

9 February 2021: Musharixiinta ayaa kulan ay ku yeesheen Muqdiso kasoo saarey qoraal ay ku shaaciyeen inaysan u aqoonsanayn Farmaajo inuu yahay Madaxweyne wixii ka dambeeyay Feb 8.

CC Shakuur ayaa sheegay in Farmaajo uu dalka ku qabsaday inqilab dadban, oo aan dhiig ku daadan, islamarkaana Villa Somalia ku joogo sharci-darro.

Dhacdo kale: Villa Somalia ayaa shaacisay in Farmaajo uu shir isagu yaarey magaaladda Garowe 15-ka bishaan, si isaga iyo Madaxda Maamullada heshiis kama dambeys ah uga gaaraan khilaafka doorashadda.

10 February 2021: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda waqtigeeda dhamaaday Maxamed Xuseen Rooble [Rogane], ayaa hortagay Gollaha Shacabka Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya, isagoo la wadaagay waxyaabihii u qabsoomay 100-ka maalmood ee uu joogay xaafiiska.

11 February 2021: Sida uu qoray Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya, Xukuumadda Nairobi ayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda [ICJ] ka dalbatay in dib loo dhigo kiiska Badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya markii 4aad.

12 February 2021: Wasiirka arimaha dibadda ee Itoobiya, Uganda, Jabuuti iyo Kenya ayaa ergayga gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan la yeeshay wadahadalo dhanka telefoonka ah, oo ay uga wadahadleen arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka doorashadda iyo amniga.

Dhacdo kale: Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay bilowday diiwaangelinta diyaaradaha iyo ruqsad-siinta xirfadlayaasha, waxaana lagu daahfuray magaalada Muqdisho.

13 February 2021: Qarax gaari ayaa ka dhacay koontaroolka Sayidka oo ku dhaw xarunta Baarlamanka, magaaladda Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen labo qof, 11 kalena ay ku dhaawacmeen Subixii Sabtida.

Dhacdo kale: ICJ ayaa diiday dalabka Kenya ee ahaa in dib loo dhigo kiiska badda, waxaan qoraal Maxkamadda soo saartay ku sheegtay in waqtigii lagu balamay oo ah 15-ka Maarso ay qaadi doonto dhageysiga dacwadda ay Soomaaliya u gudbusay sanadkii 2014.

KEYDMEDIA ONLINE

  • user pic

    Murjin

    • 14 February 2021

    Inoo duceeya in Eebbe inoo naxariisto inuu ina tuso dariiqa toosan. Xullashada hogaanku waa inay ku xirnaata sooyaalka. Waa inaad taqaan ruuxa aad hugaanka u dhiibanaysid, teenu waa xiiso. Marka xiisuhu dhamaadana ma naqaan halka loo kacayo. Waxa aan qabaa in garaadkeenu korro.  Oo aan barrano qaladkeena, ogolaano inaan xilliyada qaar qaldanay ogolaanay xumaan dhacday. Hugaanka xun astaamihiisana barrano.




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.